Inter oo reebtay Munich ,Man, United oo soo baxday

Naadiga ah horyaalka yurub Inter Milan ayaa ka ciribtirtay kooxda Bayern Munich ee wadanka Jarmalka ka socotay. Gool uu dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta weeraryahan Goran Pandev ayay Inter kaga saartay koobka horyalada Naadiyada yurub ciyaar ka dhacday garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich. Goran Pandev ayaa dhaliyay kubad baas ah oo uu u dhigay weeraryahanka wadanka Cameroon Samuel Eto’o oo ahaa xidig si weyn ugu dhex muuqday kulankaan.

Kooxda ah horyaalka Talyaniga Inter Milan ayaa sanadkii tagay waxay 2-0 kaga badisay finalka koobkan naadiga ka dhisan horyaalka Jarmaka ee Bayern Munich. Inter waxay kusoo baxday cel celis 3-3 laakin sharci goolal guriyeed waxaa kusoo baxday Inter oo caawa saddex gool ka dhalisay garoonka Bayern Munich halka Bayern Munich ay garoonka Inter kusoo badisay 1-0 waxaana Inter ay caawa ku badisay 3-2. Bayern Munich oo heshay fursado ay ku dhalin kartay goolal intaa ka badan ayay iska qasaarisay iyadoo Franka Ribery uu cunay kubad isaga iyo gool hayaha ah. Kooxda inter ayaa heshay gool daqiiiqadihii ugu horeeyay ciyarta kadib Samuel Eto’o oo kubad uu ka dhex bixiyay labada lug ee gool hayaha Bayern Munich laakin Bayern Munich ayaa la timid labo gool oo deg deg ah ka hor inta ay Inter iyana labo gool oo kii ugu dambeeyay ee guusha ahaa uu Pandev u dhaliyay daqiiqaddii 88-aad. Bayern Munich waxa goolasha u dhaliyay Mario Gomez iyo Thomas Muller iyagoo ka faa’iideystay qaladaad ay sameeyeen gool Haye Julio Cesar iyo Lucio. XIDIGIHII U SAFNAA LABADA KOOX. Bayern Munich: Kraft; Lahm, Van Buyten (Badstuber 70), Breno (Kroos 90), Pranjic; Schweinsteiger, Luiz Gustavo; Robben (Hamit Altintop 67), Muller, Ribery; Gomez Inter: Julio Cesar; Maicon, Ranocchia, Lucio, Chivu (Nagatomo 87); Thiago Motta; Stankovic (Coutinho 50), Cambiasso; Sneijder; Eto’o, Pandev (Kharja 89) GARSOORE: Proenca (PORTUGAL) DHINACA KALE. Javier Hernandez labo gool uu u dhaliyay ayay kaga badisay Marseille 2-1 isla markaana u soo baxday wareega 8-da koobka horyaalada yurub. Manchester utd oo bar baro0-0 ah lasoo gashay kulankii hore kooxda Marseille ayay 2-1 kaga adkaatay iyadoo Javier Hernandez uu noqday gool dhaliyaha runta ee kooxdas. Daafaca Man Utd Wes Brown ayaa iska dhaliyay gool daqiiqaddii 82-aad taasoo qal qal galisay natiijada kooxda Manchester isla markaana Marseille ay isku dayday inay keento goolka bar baraha taas oo ay ku hari lahayd kooxda Man utd.

Leave a comment

Filed under SPORTS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s