Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa beeniyay in xalay ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay gudaha u galeen degmada Balad Xaawo ee gobolkaasi Gedo.

Sheekh C/rashiid Sheekh Cabdi Macalin oo ka mid ah saraakiisha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo oo u waramayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay xalay gudaha u galeen Magaalada Balad Xaawo kadib weerar xalay halkaasi ka dhacay.

Sarkaalkaasi waxaa uu sheegay in yihiin warar la buun buuniya hadalada sheegaya in Al Shabaab xalay gudaha u galeen degmada Balad Xaawo, isagoo weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Balad Xaawo ku tilmaamay in uu ahaa mid rasaas cirka la isaga ridayay islamarkaana aysan jirin cid gudaha u gashay Balad Xaawo.

Xalay ayay aheeyd markii weerar lagu qaaday degmada Balad Xaawo iyadoo dadka deegaankuna ay Shabelle u sheegeen in ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay gudaha u galeen degmadaasi inkastoo Ahlu Sunna ay beenisay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s