Shariif oo AMISOM ugu baaqay inay wadaan daaalada Shabaab

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta Ciidamada AMISOM iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kula hadlayay Hoteelka Curubo ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu AMISOM ugu baaqay in ay sii wadaan howlgalay kula dagaalamayaan Xarakada Al Shabaab.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ka codsaday Saraakiisha AMISOM in ay sii laba jiraabaan taageerida dowladda KMG Soomaaliya islamarkaana ay ka hortagaan qatar uu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku hayaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaa uu amaanay talaabooyinkii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen fariisimo ay horay Al Shabaab ugu lahaayeen wadada Warshadaha iyo degmooyinka kale ee Hodon iyo Howlwadaag.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhinaca kale waxaa uu maanta booqday Saldhiga Sarandi ee degmada X/jajab oo horay ay qarax ismiidaamin ah ay ula beegsadeen Xarakada Al Shabaab, waxaana Madaxweynuhu uu halkaasi kula hadlay ciidamo ka tirsan dowladda isagoo u tacsiyeeyay ehalada askartii halkaasi ku nafweysay.

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu maanta booqday xarunta Iskuul Buluusiya oo tababar uu uga socdo ciidamo ka tirsan booliska dowladda KMG Soomaaliya, waxaana Madaxweynuhu uu ugu baaqay ciidamada uu tababarku u socoday in ay u diyaar garoobaan sugida amaanka magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka digtoonaadaan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwyene Shariif oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen wasiiro ka tirsan Xukuumada KMG ayaa waxa uu sidoo kale booqday Isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan dhaawacyada askar ku waxyeelowday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s