Dhambaal:Ku:Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 2aad

Mar haddii ay noo caddahay in waddada nala-ku-wado aysan ahayn mid ceel ina geynaysa, balse ay tahay mid cid la’ ku dhammaanaysa; mar haddii ay noo muuqato in maalinba maalinta ka dambaysa ay xaaladda dalkeenu tahay mid ka sii daraysa oo dawyo dhaadheer ka sii dhacaysa; aanan ogsoonahay in aan cidina wax noogu maqnayn, waxna noo soo wadin; maxaa inala gudboon?  Ma daawadayaal baynu sii ahaanaynaa mise dadnimo ayaynu la imaanaynaa?

“Waxaa jira docdayada, dibida iyo weylaha, waxaa dhala dameeraha,” waxaa tiriyay Hadraawi oo markaas si weyn ugu sacab-tumayay dagaalka sokeeye. Waxaad moodaa in Hadraawi waxa uu tilmaamayay ay tahay, tan aan maanta goobjoogga ka nahay oo halka isagu ka yiri in dameeruhu ay weylo dhalaan, ay dhici karto in qaarkeen ay dhihi karaan, ‘dadbayba dhalaan hadda!!’.

Khilaafka saamayntiisa waxaa gooya, ayna ku xiran tahay hadba garashada, xirfadda, iyo niyadda lagu wajaho wax-ka-qabashadiisa. La yaab ma leh, wax la qaadan waayana ma aha, in dalkeena uu dagaal sokeeye ka dhaco. Waxaan maskaxdu aqbali karin, maangalna ahayn in arrinteennu ay noqoto mid labaatan sano madax iyo minjo yeelan weyda. “ Xaajo dhammaan weyda ama wax aan ku jirin ayaa la soo gelinayaa ama wax ku jira ayaa laga saarayaa.” Waaa murti ina tusaysa in wixii aan lilaahay lagu gelin, lagu lugo’o. Waa murti ina dareensiinaysa in garta la marin habaabiyo ama waddadeeda laga weecsho aysan marna dhammaan, dhibaatadeeduna ay noqoto mahadho. Dhibaato in wax-laga-qabto, waxay ka bilaabataa in marka ugu horraysa la qeexo oo la aqoonsado jiritaankeeda; kaddibna la oggaado waxa sababay. Tanina waxay horeedaysaa in la raadsho, lana helo sida ugu habboon ee dhibaatada wax-looga-qaban karo. Dhinaca kale, marka khilaaf uu jiro, ayna dhinacyada uu sida tooska ah u khuseeyo ku filaan waayaan wax-ka-qabashadiisa; waxaa loo baahdaa in uu soo dhexgelo dhinac saddexaad oo dawrkiisu yahay isu-soo-jiididda dhinacyada oo keliya. Tanina waxay ina tusaysaa in ay lagama-maarmaan tahay in dhinaca saddexaad uu noqdo mid aan wax lug ah horey ugu lahayn dhicitaanka khilaafka; isla markaana aan danaynayn in natiijo gaar ahi ay ka soo baxdo, balse danaynaya oo keliya in dhinacyadu ay furdaamin u helaan arrinta ay isku-maandhaafsan yihiin, ayna wada gaaraan heshiis ay ku qanacsan yihiin. Haddii dhinaca saddexaad uu noqdo mid horey si toos ah ama si dadban ugu lug lahaa dhicitaanka khilaafka, uuna natiijo gaar ah doonayo in la gaaro; waxaa halkaas ka muuqanaya in aan dhinacaani uusan arrinta dhexdhexaad ka ahayn ee uu dhinac ka yahay. Haddii garqaadaha, dhexdhexaadiyaha iyo maslaxeeyahu uusan dhinacyada u dhaxayn ee mid la safan yahay ama uu dan gaar ah oo uu leeyahay doonayo in ay meesha ka soo baxdo; waxaa la oran karaa, halkaas wada-xaajod, garqaadis iyo dhexdhexaadin midna kama dhicin. Tanina waxay keentaa in dhibaatadii ay noqoto gubato maalinba sii gaaraysa dhul keyn ah oo geedo badan leh, sidaasna ay ku sii xoogaysanayo, ayna dambaaburadeedu degaanno iyo dad hor leh gaarayso. Waxaa dabkan sii hurinayaa oo halkii uu biyo uga shubi lahaa  baasiin ku shubaya dhinaca saddexaad oo hawshii laga filayay mid aan ahayn fulinaya. Waxaa laga filayay in uu noqdo fududeeya, balse waxa uu noqday cusleeye. Waxaa laga filayay in uu noqdo dhexdhexaadiye isu-soo-dhaweeya dhinacyada, balse wuxuu noqoday kala dheereeye sii dhexdhiga dhibaato hor leh. Waxaa laga filayay in uu garta u qaado si dhibaatada soo gunaanada, balse wuxuu u naqay si ay u sii dheeraato, ayna u noqoto mid taagan ah.

Soomaalida xoolo-dhaqata ah, gaar ahaan lo’leeydu waxay sheegaan in dibiga lo’da ka midka ahi marka uu doonayo in uu kiciyo ama istaajiyo sac fadhiya uu qoobkiisa ku dhufto oo uu sidaas sacii ugu kaco; halka dibiga doolka ahi oo aan lo’da ka midka ahayni uu geeskiisa saca ku mudo, kuna kiciyo sidaas aan u turidda lahayn. Waxaan tusaalahaan uga dan leeyahay in aan wada dareenno, in sida dibiga doolka ahi uusan saca ugu diir-naxayn, ay kuwo aan noo damqanayn ay arrinteena sii durkinayaan oo halkii aynu daawo ka filaynay ay waabaayo weelasha nooga buuxinayaan; taas oo sida micida abeesada muddo kaddib doogta sunteedu na dili doonto. Ummad isku isir ah oo wadaagta hal dhaqan, diin iyo af ; in loogu taliyo in loo dhiso dawlad guddi shan madaxweyne ka kooban leh, waa shirkii Sooderee; maxay noo sheegaysaa? Guddi shan iyo toban madaxweyne dawlad leh, waa shirkii Qaahiree, maxaa looga gol lahaa?

Dalka Hindiya oo ah dalka labaad ee dunida ugu dad badan; kaas oo tirada dadkiisu ay kor u dhaafsan tahay hal bilyan oo qof, waxaa tirada xubnaha baarlamaanku ay tahay 553 xubnood. Waxaa wax laga xishoodo oo lala yaabo ah, in dalka Soomaaliya ee dagaalku halakeeyay oo dadkiisu aysan ka badnayn shan iyo toban malyan oo qof, in loo sameeyo baarlamaan ay tiradiisu tahay shan boqol iyo konton xubnood. “Qosol been ah, fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo; booraan afkii laga qafilay, khabarna hooseeyo;doqon baa halkii lagu khatali qoorta soo dhigane; ma anaa la ii qarshaa middiyo la igu qali doono.” Waxaa tixdaan inooga tagay oo tiriyay Faarax Nuur oo ina dareensiinaya in aan mar walba ahaanno kuwo digtoon oo aan lagu dagin dabinnada hadimada. In aan ahaanno kuwo inta aan halistu soo gaarin, horey u sii dareema, kana diyaar garooba. In aanan noqon kuwo laga habaabiyo oo hareer mara hilinka toosan. In aan ahaanno kuwo kala garta nacabkooda iyo nasteexooda.

Inta aanan qalinka dhigin, adna aadan meel kale dhugan; aan kugu sagoontiyo su’aal jawaabteedu ay ‘haa ama maya’ tahay. Ma  dareensan tahay in dalkeena iyo dawladnimadeenu ay halis ku jiraan??

Ilaa iyo qalainkayga dambe, nabadgelyo.

Cabdi Shire Warsame

cirfe_50@hotmail.com

1 Comment

Filed under MAQAALO

One response to “Dhambaal:Ku:Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 2aad

  1. Pingback: DHAMBAAL Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 3aad | Www.Allcaseyr.Net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s