Ciidamada badda dalka Hindiya oo qabtay 61 burcadbadeed Soomaaliyeed ah kaddib markii ay dagaallameen

Ciidamada badda dalka Hindiya ayaa qabtay 61-qof oo looga shakisan yahay inay yihiin burcadbadeed Soomaaliyeed iyo 13-qof oo ay afduub u haysteen, kaddib dagaal ku dhexmaray burcadbadeedda iyo ciidamada badda dalka Hindiya, sida uu maanta oo Isniin ah uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda dalkaas.

“Tirada aan qabannay waa 74-qof oo rag ah, 61-qof oo ka mid ah waxaan uga shakisannahay inay yihiin burcadbadeed,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada badda Hindiya oo lagu magacaabo P.V.S Satish, isagoo sheegay in howlgalkan uu ka dhacay biyaha dalka Hindiya habeenkii Sabtida ee lasoo dhaafay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in 13-qof ee kale ay yihiin shaqaaale la socday dooni weyn oo ay kooxda burcadbadeedda ah ku ugaarsanayeen maraakiibta taasoo uu ka dul-babanayay calanka dalka Mosambiik. Doonidaas oo lagu magacaabo Vega 5 ayaa iyadana gacanta u gashay ciidamada dalka Hindiya.

Doonidan ayaa la afduubay bishii Desember ee sannadkii hore, iyadoo kooxaha burcadbadeedda ah ee lagu qabtay ay u adeegsanayeen inay maraakiibta kaga soo afduubaan meelo ka fog xeebaha dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeedda.

“Khasaare ka dhashay israsaaseynta ma jirto, balse waxaan doonida ka helnay hub isugu jira kuwo fudud, fuustooyin shidaal ah iyo qoryaha basuukayaasha ah, oo ay kooxaha burcadbadeedda ah doonayeen inay u adeegsadaan weerarrada,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada badda dalka Hindiya u hadlay.

Labadii bilood ee ugu horreysay sannadkan ayay ciidamada badda dalka Hindiya waxay xeebaha dalkooda ka qabqabteen kooxo burcadbadeed ah, kuwaasoo doonayay inay ka afduubaan xeebaha dalkaas maraakiibta marin ahaanta u adeegsada.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in kooxahan laga shakisan yahay ay soo taagi doonoto maxkamad, iyadoo bucadbadeed ay horay u qabtay oo tiradoodu ahayd 15-ruux oo isugu jiray 12-qof oo Soomaali ah, laba Itoobiyaan ah iyo qof Kenya u dhashay kuwaasoo maxkamad la horgeeyay inkastoo aan weli la xukumin.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s