Siwaaqroon maxaa Puntland kaga xiran?

Waxaa ka furmay Shir Magaalada Baargaal ee Gobolka Raascasayr ay isugu Yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada Beelaha Siwaaqroon  ee ku dhaqan gobolka Raascasayr iyo Deegaanada Dagmada Laasasurad ee gobolka Sanaag .

Habada haddi aan xuso Deegaanada beelaha Siwaaqroon siiba Dagmooyinka Caluula Iyo Baargaal oo ay ugu dhawaaqeen inay yihiin gobol ka madax banaan  Gobolka Bari oo la yiraahdo Raascasayr wax garad iyo Siyaasiyiin ka tirsan Qurba joogta Beelaha Siwaaqroon oo isugu Yimi shir wadanka Sweden 29-31/10/2010  kana soo saareen go,aankaan .

Waxay sidoo kale ku Eedeeyeen wax garadki shirkaas isugu Yimi wadanka Sweden In Maamul Goboleedka Puntland uu ka gaabiyay u adeegida Shacabka Ku dhaqan Dagmooyinkaas oo aanaysan waxba ka ogayn deegaanadaas baaxada wayn .

Deegaanada Bariga Fog ee ay dagaan Beelaha Siwaaqroon ayaa ah Degaano Baaxad wayn Waxana lagu qiyaasaa Magaalooyinka Hoosyimaada Labadaas dagmo  ilaa 60 Tuulo . dhanka khayraadka deegaanadaasu waa deegaano khayraad fara badan leh sida Khayraadka ku jira Labada Badood ee kala ah Bada Cas iyo Badwaynta Hindiya . Maydiga oo ah geed u gaara deegaanadaaas ,  Timirta  oo deegaanadaasu Yihiin kuwa ugu Badan soomaaliya Beeraha Timirta , Macdano fara badan oo ku jira dhulka , dhul beereedyo baaxad wayn ,

Balse waxaan ka jirin deegaanadaas adoogyo bulsho marka laga Reebo magaalooyinka Caluula iyo Baargaal oo ay ka jiraan adeegyo bulsho haba yaraadeene sida Iskuulo , Ospitaalo , dhanka wadooyinka Waxaa aad u xun wadooyinka ay isticmaalaan shacabka ku dhaqan deegaanadaas baaxada wayn mana jiraan wax taakulo arimo bulsho ah oo ay ka helaan shacabkaasu Maamulka Puntland iyo Hay,ahadaha deeqaha  samafalka ah bixiya .

Dhanka awood qaybsiga Maamul goboleedka Puntland ayaan Oran karaa waa mid ay ku dagan yihiin Beelaha Siwaaqroon , Beelaha Siwaaqroon ayaa ah beelo lagu Yaqaano nabad waxayna ka mid yihiin Beelaha ugu badan beelaha Daga gobolka Bari waana beelaha ugu deegaanada Balaaran.

Haddi aan u soo noqdo Shirwaynahaan uga furmay Ergooyinka Beelaha Siwaaqroon Dagmada Baargaal ee gobolka Raacasayr waxaa ka soo baxay Maalinti shalay ahayd Samaynta Gudiyo kala duwan hadaba malaga yaabaa inay soo saaraan Ku dhawaaqista Maamul ka madax banaan Maaamul goboleedka Puntland ?.

Hada Ka hor ayay ahayd Mar ay ku dhawaaqeen qaybo ka mid ah waxgaradka Beelaha Siwaaqroon Maamul goboleedka Casayrland markaas oo uu khilaaf soo kala dhex galay xakuumadi uu madaxwaynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf  Balse markii dambe wada xaajoodyo badan waala dhameeyay khilaafki .

Hadaba Haddi aan jawaab ka bixiyo su,aasha ah malaga yaabaa Maamul ka madax banaan Puntland waa dhici kartaa sababo la xiriira wax qabad la,aanta iyo ka jiifsashada Puntland shacabka iyo deegaanka Gobolka Raascasayr iyada oo ay tahay  waxa kalayi ee fududaynaayaa maadaama ku jirideeda aysan wax dani ugu jirin ay is leeyihiin haddi aad maamul gaara tihiin dabcan dadka deegaanku iyagaa isku tashanaaya oo u istaagaaya amuurahooda dhanka horumarineed ee deegaan iyo shacabaDhanka helida Gargaarada samafaleed ee la siiyo soomaaliyana ay sadkooda ka helaan deegaanadaas iyo shacabka ku dhaqaniba .

Hadaan u soo noqdo dhanka Maamul goboleedka Puntland waxaan oran karaa madaxda Puntland iyagaaba raba in midnimada Puntland wiiqdo Hadaan Tusaale ahaan u soo qaato waxaa u tagay Oday dhaqameedyo ka socda Beelaha Siwaaqroon Madaxwayne Faroole waxayna soo hordhigeen codsiyo ah in deeganada Dagmooyinka Caluula Iyo Baargaal ay xukuumadiisu ugu dhawaaqodo Gobol gobolkaasna la Yiraahdo Raascasayr iyagaoo markaas tixraacaaya dhawaaqii ka soo yeeray  shirki qurba joogta Beelaha siwaaqroon   , Waxa uu ku jawabaay waxaan u diraayaa wafti kormeer ah oo soo ogaada xaalada Deegaanadaas , waxaa hadaba Su,aal la is waydiiyo ah waxay ansixiyeen golaha wakiilada Puntland Sanadkaan Dagmooyin cusub oo kala ah Gumbax , Iyo Balidhidhin ,

waxaan filayaa Magaalooyinkaan loogu dhawaaqay dagmonimada ayaa ah kuwo aan le,ekayn Tuulo  ka tirsan  Tuulooyinka Dagmada Caluule  oo ay iyada hoos yimaadaan 54Tuulo aana oran karo waa dagmada ugu wayn Soomaaliya .

Hadaba waxaa laga dhawrayaa beelaha Siwaaqroon Shirkooda inay ka soo baxaan go,aano  ah ka tashiga Puntland sida ay uga tashadeen Beelaha Dhulbahante oo iyagu samaystay Maamul ka madax banaan labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland , Madaama aysan dalka ka jirin  dawlad dhexe oo u adeegta shacabka waxaa la gudboon beelaha Siwaaqroon inay Talo wax ku oola ka soo saaraan Shirkaas .

Maamulka Puntland ayaa ah mid hada ay aad u wiiqday awoodiisu dhan  kastaba waana mid ku kooban u adegida in kooban oo ka tirsan Puntland  , haddi ay sidaas tahay ka sii mid ahaanshaha Deegaaanada gobolka Raascasayr Maamulka Puntland waa mid aan macne buurani ku jirin oo la oran karo waa uun magac u yaal madaama aan deegaanadaas Puntland waxba ka ogayn Maamulkeeduna uusan gaarsiisnayn .

Qormadii   Suldaan Idiris

Fikradan waxay gaar u tahay qoraaga

Allcaseyr .net

7 Comments

Filed under MAQAALO

7 responses to “Siwaaqroon maxaa Puntland kaga xiran?

  1. waxaan leeyahay beelaha siwaaqroon waa guul iyo gobanimo usoo hoyatay waxaana ku bogaadinyaa ineey halkaa kasiiwadaan waxaa is xasuusin mudan ineey haystaan dhul baxad weyan lehna qeeraad dabiiciya sida benyada timirta sida uduga ama beeraha iyo w.m mihiimadu waaineey wax kasugin gacan biliaadam iskuna kalsoonaadaan samaystaan ururo siyaasadeed kana soo jeeda belahaa ama xisbiyo isbitaalo skulo daryeelka dhalaanya iyo horumarinta hooyada iyo wacdi galin bulshada dibudhiska jidadka ilahy hanila jiro inta xun een u danayn dadkoda allha idinka qabto ku midowba wax soosaar ka midowba dano shaqsiyadeed ilahaa hanilla jiro uma dhalan siwaaqroon laakiin qwaan danaynayaa

  2. guyaal iyo guyaal buu gobolku gabi ku oodnaaye,
    gaariwaa loo baxshoo god iyo booraane,
    oo aan hayada guura iyo maamul soo galine,
    oo ganacsi ween iyo shirkado la iga gaabsadaye,
    gudigii siwaaqroon ee sweden lagu asaasiyo ragii talada soo gooyay,
    go aankii la qaatiyo sidii loogu gacan qaaday,
    godontaa la soo mariyay iyo guuxa demiwaayay,
    guutooyinkaa soconaya iyo goolka dhalanaaya,
    waxaa gablamay ninkii muruqna geen maalna giigsaday,
    ninwaliba waxa uu galo marbaa looga mahad celiyaaye,
    sidii ay ugu guntadeen geedigaa rarane,
    umaduna waa ku gacan siinayaan kuwaas waxgooyada lehe,
    ha ilaawin waa taariikh gu dheer jirtiyo lagama guuraane,
    ninwaliba waxa uu galo marbaa looga mahad celiyaaye,
    waxa gablamay ninkaan muruq iyo maal geene,……………

  3. Geele saalax haaji(aftuub)

    After salaan
    Educate, Inform and Organize are three badly needed in that area.
    because the opposites of these three are how we are now. God will help us.
    what is important is that, now it is the time to move on and build the bridge of the future to develop the living standard of our people.

    Geele

  4. HANUUNIYE

    WAXAAN RAJEYNAYAA IN AY SHIRKAN KA SOO BAXAAN GO AANNO WAX KU OOL AH OO WAX KA BEDELA NOLASHA IYO AAYAHAY REER CASEYRLAND IYO DHAMMAAN BAHWEYNTA REER PUNTLAND. INEY PUNTLAND DAYACDAY DHULKAAN OO AY AAMINTEY INAAN LA GAARI KARIN SHAKI KUMA JIRO MARKA BEESHU WAA INEY BUUXISAA BOOSKII UU MAAMULKA PUNTLAND BANNEEYEY OO AY DADKOODA IYO DALKOODABA U TASHADAAN WAXNA KA BEDELAAN SIDA UU HADA YAHAY OO AAN LA HEYN WAX KAABE BULSHADEED AH SIDA WAXBARASHO HAGAAGSAN AMA CAAFIMAADBA.LAAKIIN JIDKA LOO MARAYO WAA INUU NOQDAA MID ISU SOO DHOWEEYA REER PUNTLAND EE UUSAN NOQON MID SII KALA FOGEEYA. MAHAD SANIDIN

  5. bismilaahi alraxmaani alraxiim.

    dhamaantiin beelwaynta x.talareer gudaha iyo dibadda waad salaamantihiin.

    waxaan halakan idiinku soo gudbinayaa hanbalyo iyo taageero intaba
    waxaana aan idiin rajaynayaa guul waarta iyo dalkiina iyo dadkiina oo
    gaara horumar dhaqso leh ,in badan ayaan jeclaa in aan arko in aad u tashataan dalkiina iyo dadkiinaba ,waana mahad ilaah in aad maanta gidigiin isugu imaateen baargaal oo ah wadnaha caseyr land iyo halka ay ka imaatay ilbaxnimada iyo hogaanka toosan ee shacab leeyahay,idinkoo u soo jeestay horumarinta dadkiina iyo dalkiina.
    alaha u naxariisto dhamaan geesiyaashi caseyrland ,waxay raali idankanoqon marki aad soo saartaan goaan wax ku owl ah.
    mahadsanidin dhamaan.
    abdalla.

  6. waa guul usoo hoyatay beesha siwaaqroon,waxaan leeyahay halkaa hawsha kasii wada waana mahadsantihiin.

    • Ali Jama

      walaalayaal waa guul usoo hoyatey casayrland isu imaanshaha
      ay isu yimaadeen reer casayrland oo ay ogaadeen ama garteen in ay dadkooda iyo dhulkoodaba war u qabtaan waan mid qofwalba oo reer casyr land ah khasab ku ah . marka aan runtii dib u noqono dhibaatooyinka kataagnaa waxay ahay in gabadha ku foolanaysa calula lageeyo boosaaso oo xauma caafimaadku kuyaaliin una jirta 1000km taasina wy loo heli waayey ama loosamayn waayey xarumo caafimaad oo ku yaal calawla oo bulshada u adeega .
      umad walba oo meel kunool waxay katashataa sidii ay dadkeeda iyo dhulkeeda u hore marin lahayd . dad baa kasoo hor jeeda shikan beeleed oo sikale wax u arka war casayr land iyo puntlan waa dad walaalo ah ganacsi iyo isdhexyaalona kadhexeeyo isku rayina ah
      waxaana soo socda ilaa 20 NGO 00 madax banaan oo u adeegi doona gobolka casayr land baahidiisa dhinac walba leh.

      thanks all

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s