DKMG iyo Shabaab oo dagaal qasaaro gaystay ku dhexmaray Muqdisho

Dagaalo iyo duqeymo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa saakay waxaa ay ka dhaceen degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir.

Dagaalkaani oo waabarigii hore ee saakay ka qarxay xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ciidamada Xarakada Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen degmooyinkaasi gaar ahaan nawaaxiga wadada shaqaalaha iyo Isgoyska Debka halkaasi oo dagaalku si xoogan ugu dhacay.

Inta la’ogyahay 1-ruux ayaa ku dhintay 5-kalana way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah, waxaana dadkaasi waxyeeleeyay rasaasta iyo madaafiicda xoogan oo ay labada dhinac is weedaarsadeen.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadii dagaalamay saakay oo ku aadan qasaaraha soo kala gaaray wallow goobjoogayaal ku sugan halkaasi ay sheegayaan inay jiraan dhaawacyo soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho aan jirin cid u naxda shacabka dhiiga kaga baxay dagaaladaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s