Dagaal mar kale ka dhacay Diif iyo Raasgaambooni

Dagaal ayaa galabta dib uga qarxay deegaanka Diif ee gobolka J/hoose kadib markii Al Shabaab ay xoog kula wareegeen Maanta, waxaana dagaalka dambe uu sababay in gacan ku heynta deegankaasi ay dib ula wareegaan Ciidamada Raasgaambooni.

Dagaalkaani ayaa waxaa uu bilowday kadib markii ciidamo ka amar qaata Sheekh axmed Madoobe islamarkaana la magac baxay raasgaambooni ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Diif oo saacado ay gacanta ku hayeen xarakada Al Shabaab oo maanta dagaal halkaasi kula wareegtay.

Madaafiic ayaa la sheegay in labada dhinac ay si xoogan isugu weydaarsadeen gudaha deegaanka, waxaana inta la ogyahay dagaalkaasi ku dhintay 5 qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Dagaalkaasi ayaa sababay in mar kale gacan ku heynta deegaanka ay la wareegaan Ciidamada Raasgaambooni ee uu hogaamiyo Sheekh axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyadoo magaalada ay dib uga laabteen ciidamadii Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Gudoomiye ku xigeenka Jabhada Raasgaambooni ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe, ninka lagu Magacaabo Sheekh Daahir axmed C/laahi oo caawa u waramayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in dagaalkii galinkii dambe  ee maanta ak dhacay deegaanka Diif ay guulo ka gaareen.

Waxaa uu sheegay in dhinacooda uu ka geeriyooday hal dagaalyahan islamarkaana sedax kale ay ka dhaawacmeen, isagoo carabka ku dhiftay in uu arkey meydadka labo dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab oo magaalada dhexyaala, waxaana uu intaasi ku daray in hub iyo gaadiid ay ka qabsadeen Al Shabaab.

Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Al Shabaab ee Jubooyinka oo ku aadan dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Diif, waxaana xaaladda caawa ay tahay mid kacsan iyadoo laga cabdi qabo in al Shabaab ay weerar ku soo celiyaan deegaankaasi Diif.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s