Agaasimaha guud ee Wasaaradda Daakiliga Somaliland oo la xidhay iyo Taliyaha Booliska oo ka hadlay xadhiggiisa

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cali ayaa la xidhay, ka dib markii ay Ciidamada Boolisku uga yeedheen xarunta dembi-baadhista, waxaanu Agaasimuhu xadhiggiisa ku eedeeyay Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

Agaasimaha guud oo xalay shir-jaraaíd ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in habeen hore ay Ciidamada dembi-baadhistu kala soo hadleen xaruntooda, isla markaana ay ka dalbadeen in uu tego xaruntoda, markii uu tegayna loo sheegay in uu xidhan yahay.

“Markii aan waydiiyay inay Waaran maxkamadeed haystaan, waxay ii sheegeen in aanay haysan, sidoo kale markii aan waydiiyay cidda amartay xadhiggaygana, waxay igu yidhaahdeen, waad ogaan doontaan,” ayuu yidhi Agaasimaha guud, waxaanu sheegay in subaxnimadii loo sheegay in uu Wasiirka arrimaha guduhu xadhiggiisa amray, taas oo uu sharci-darro ku tilmaamay, isla markaana uu sheegay in aanu awooddaas lahayn Wasiirku. Isaga oo si baán u weeraray Wasiirka.

Hase ahaatee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre oo isna shir-jaraaíd qabtay, ayaa beeniyay in amarka xadhigga Agaasimaha guud uu bixiyay Wasiirka Arrimaha guduhu, waxaanu sheegay in baadhis ay wadeen ay gashay Agaasimaha guud, isla markaana ay suáalo waydiiyeen Agaasimaha, hase ahaatee, cidda habeenkaas xidhay ay tahay Ciidamada Booliska, gaar ahaan uu isagu taliye ahaan habeenkaa ku sugnaa xarunta dembi-baadhista.

“Wasiirku waxba kama ogayn xadhiggiisa ee aniga ayaabu I waydiyay oo uu I yidhi, ma jiraa in aad u yeedheen Agaasimaha guud, markaa side ayuu wax uga ogaa,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanku.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaan ka hadal arrintan, isla markaana waxay calaamad-suáal saaran tahay habka wada-shaqayneed ee Wasiirka iyo agaasimaha guud, maadaama ay yihiin labadii masuul ee u sarreeyay Wasaaraddaas, marka laga reebo Wasiir-ku-xigeenka.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s