Faahfaahin Weerarkii lagu qadey ciidanka Ladagaalanka Burcadbadeedka Puntland

Shaley Galab ayaa ciidanka Ladagaalanka Burcad Badeedka Puntland oo doonayey iney soo fakiyaan dad Burcad badeedku haysteen ay koox kale oo Burcad badeed ahi jidka u galeen, waxey Burcad badeedku si gaadmo ah u gubeen labo gaari oo cidan saaranyahey waxaana isla goobtaas ku dhintey 6 askari.

Dagaal culus ayaa goobta isla markiiba ku dhexmarey Ciidanka iyo Burcad Badeeedka waxaana Burcad badeedka ka dhintey 4 nin, Dhinaca Ciidanka ayaa ilaa hada dhimashadu mareysaa ugu yaraan 10 askari.

Dagaalkaan ayaa ka dhacey meel aan saas uga fogeyn goobta lagu heystey 7 qof oo Burcad Badeedku Madax furasho u heystaan.waana deegaanka Bayla.

Warar aad ugu dhow Dowlada Puntland ayaa noo xaqiijiyey in Ciidanka Ladagaalanka Burcad Badeedku ay damacsanaayeen iney weeraraan goobta ay burcadbadeedku ku heysteen 7-da qof ee Daanishka ah, balse intii aysan gaarin  goobtaas ayaa Ciidan Xoogan oo Burcad Badeed ahi jidka u galey.

Dhinaca kale Waxaa maalmahaan deegaanadaas kusoo qulqulayey Burcad badeed kor u dhaafaya 200 nin kuwasoo doonaya iney xoojiyaan nimanka heysta Dadkaan u dhashey Denmark.

Xaley waxaa Deegaankaas gaarey Ciidan Xoogan oo isugu jira kuwa Ladagaalanka Burcad Badeedka iyo Ciidanka Daraawiishta.

Warar hoose ayaa noo sheegey in Cidanka Gaadmada laguweerarey ay ahaayeen Ciidankii bil ka hor loosoo tababari jirey Ladagaalanka Burcad Badeedka.

Dhinaca kale warar aan hada ka helney magaalada Qardho ayaa noo sheegey in dhimashada Ciidanku ay sii kordheyso oo ay gaareyso ugu yaraan 15 askari, balse dhinaca Dowlada Puntland nalooma xaqiijin tiradaan sii kordheysa.

Agaasimaha Ladagaalanka Burcad Badeedka Puntland Cabdirsaaq Maxamed Dirir Duceysane oo safaro shaqo ugu maqnaa Yurub ayaa maalmaha soosocda la filayaa inuu gaaro Magaalada Garowe.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s