Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Bacaadweyne

Wararka ka imaanaaya deegaanka Bacaadweyne ee koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi u ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed kuwaasi oo la sheegay in tuulooyin hoostaga deegaankaasi ay ku dagaalamayeen in ka badan hal sano.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Baraag Ciise oo 95-km  Waqyiiga kaga beegan deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug, waxaana inta la ogyahay dagaalkaasi ku dhintay 3 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhamaantood ahaa dhinacyadii dagaalamay.

Maleeshiyo beeleedkaan is dagaalay ayaa waxaa la sheegay in ay isku qabsadeen dhul daaqsin iyo Ceel biyoodyo kuyaala Tuulada Baraag Ciise, waxaana dagaalkoodu uu saameyn ku yeeshay qoysas reer miyi ah oo ku noolaa halka lagu dagaalamay.

Wali Tuulada Baraag Ciise waxa ka jira xiisado dagaal oo u dhaxeeya labadaasi maleeshiyo, waxana dhinacyada dagaalamay ay wadaan hub iyo ciidan aruusi, iyadoo laga baqdin qabo in saacadba saacada ka dambeysa uu halkaasi dagaal ka dhaco.

Odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada dhinac iyo sidoo kale culumaa’udiin ayaa haatan waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku qaboojiyaan xiisada u dhaxeysa labadaasi beelood.

Maleeshiyo beeleedyadaani ayaa maalmo ka hor waxaa ay ku dagaalameen deegaanka Jiicdheere oo hootaga Bacaadweyne, waxaana dagaalkoodii hore uu sababay dhimasho iyo dhaawac kale.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s