Wafdi ka socda QM iyo Midowga Afrika oo la kulmay madaxda DKMG.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika islamarkaana uu hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.

Wafdigaani oo ay horkacayeen Ergayga Gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo ku xigeenka ergeyga midowga afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Wafula Wamuyinyi ayaa waxaa ay la kulmeen madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyagoo ugu hambaliyeeyay guusha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen dagaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaani ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii Soomaaliya looga saari lahaa marxaladda Kumeelgaarka ah islamarkaana loogu dhisi lahaa dowladda waarta oo Soomaaliya ku soo celisa nabadii iyo kala dambeyntii.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa dhankiisa ugu mahad celiyay masuuliyiintaani ka kala socda Qaramada Midoobay iyo midowga Afrika booqashada maanta ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho Sida uu Shabelle u sheegay Wasiiro dowlada Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

Safarka Masuuliyiintaani ayaa ku soo aadaya xili Magaalada Muqdisho ay maalmihii u dambeeyay ka dhacayeen dagaalo culus oo galaaftay nolosha dad rayid ah islamarkaana u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s