Golaha amaanka ee QM oo kulan aan cadi ahayn ka yeelanaya Somaliya

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulan ay kaga wada halayaan xaaladaha faraha kasii baxysa ee Soomaaliya iyo burcad badeeda oo laba jibaaray afduubashada Maraakiibta shisheeye. 

Waxaa maanta la filayaa in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay fadhi aan caadi ku yeeshaan magaalada New York ee dalka Maraykanka kaasi oo looga hadlayo xaaladaha faraha kasii baxaya ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo kooxaha burcad badeeda.

Dowladda Shiinaha oo ka mid ah shanta dowladood ee ugu waa wayn golaha amaanka ee Qamarada Midoobay ayaa la sheegay inay soo gudbisay ajando aad u faah faahsan oo ku aadan dalka Soomaaliya taasi oo ay ka mid aheyd sidii Soomaaliya ugu horeyn looga dhisi lahaa dowlad midaysan oo ay taageersanyihiin dhamaan dadka Soomaaliyed iyo beesha Caalamka.

Wafdiga dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay sidoo kale ka dhawaajiyeen horumarka ay ku talaawday dowladda KMG Soomaaliya oo ay sheegeen in loo baahan in lasoo dhaweeeyo islamarkaana la taageero Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda si ay ugu guulaystaan inay meesha kasaaraan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale halkaasi maanta la filayaa in looga hadlo xiliga kala guurka ee dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo beesha Caalamka ay sheegtay in wal wal wayn ay ka qabto marka la gaaro xiliga kala guurka.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s