FAALO:Puntland ma iyadaan rabin Sool iyo Cayn,mise Reer Sool iyo Cayn baan Doonayn Puntland!!!!!!

siciid_dheere3_326697514.jpgFAALO(PP):-In badan oo dadka reer laascaanood ah ayaa walaac ka muujinaya,siyaadaha Maamulka Puntland hada ka arimiya marka ay timaado ka hadalka xaladaha qalafsan ee ka jira gobolada galbeedka Puntland, shakigaasi haba ugu badnaado Madaxwene ku xigeenka Puntland Cabdi Semed Cali Shire oo tan iyo intii colaadu ka bilaabantay Deeganka Kalshaale aan wax hadal ah laga hayn, Wararka qaarnaay sheegayan in uu lugaha hayo dadka la rumaysanyahay inay soo celinayan Difaca iyo dib u soo celinta dhulka Puntland ka maqan sababo kasta haku kalifane waxana inta badan la maqlaa murano la xirira xaalada hada ka taagan deegaanada Sool iyo Cayn oo soo kala dhex gala Cabdi Semed Cali Shire iyo, Taliyaha Difaaca Puntlan Gen.Siciid Dheere.
siciid_dheere_906712110.jpgsiciid_dheere2_786208724.jpg
Puntland waxay ka koobantahay 7 gobol oo Sool iyo Cayn ay ka mid yihiin, sharci ahaan Dastuurka puntland waxa uu dhawray, Midnimada iyo ilaalinta xuduudaha Puntland ,ma muuqato xiligan in Maamulka Puntland uu ilaalinayo Mabaadi,ida asaasiga u ah dhisme Maamul iyo Dal, sideedabana Qaran waxa uu ka koobanyahay Dal, Dastuur ,iyo Dad waxa marka hada kuu cadanaysa in laba qodob oo asasi u ah jiritaanka qaranimo ay meesha ka baxeen,waxana ay kala yihiin Dal, iyo Dastuur oo hada u muuqda mid anu mudnaan siinin Mamulka hada jira. 

DAL
Xuduuda Putland waa Xuduud Qabiileed muujinaysa inta ay degaan beelaha ku abtirsada hayb ahaan Puntland oo la og yahay halka ay ku egtahay,tan iyo asaaskii Puntland ee sanadii 1998 ma jiro maamu Puntlanda h oo gaadhay Xuduuda galbeeda ee dalka waana qodob kamid ah qodobada asaaska u ah qaranimada oo u muuqda inaanu dhaqan gelin.

Qaran waxa uu u baahanyah Cidan iyo cudud ilaalisa Jiritaankiisa , puntland shaki kuma jiro inay leedahay Ciidan dhisan oo kakal yimid 7 Gobol ee puntland, waxana Shacabka ku kala nool Todobadaa gobol ay xaq u leeyihiin iney helaan Cudud difaacda rabitankoda iyo Jiritaankooda, macnaha uu u jiro Ciidanka Daraawiishta ee Puntland Waa ilaalinta Sharafta iyo karaamada shacabka uu dhisanyahay.

Hadaba akhriste bal qiyaas muxuu dareemayaa Muwaadinka reer Puntland u dhashay ee ku dhaqan Kalshaale ee Taangiyada Dagaalka ee Somalilnd lagu muquuniyey ,iyadoo Maamulkii uu ka tirsanaa ee uu wax ka dhistayna aysan halkoodii uga soo dhaqaaqin, macqul matahay marmarsiinyaha masuuliyiinta u dhaartay dalka iyo dadkaba inay difaacayaan ee ah Itoobiya ma ogola,barlamanku ma saxeexin, golaha wasiiradu ma oga,iyo wixii lamid ah, qofka maatadiisii la xasuuqayaa dhegihiisu ma maqlaan waxaan ka ahyen waan soo dhaqaaqay, teeda kale masuuliyiinta Puntland ma waxay u dhaarteen iney ilaaliyan danaha itoobiya mise danta shacabka ay metelaan,itoobiyaanku wu ogolaa Dagaalkii Galgal, laakiin ma ogola miyaa xaqa shacabka ree Cayn iyo Sool ee ah inay ayahooda iyo rabitaankooda ka tashadaan.
Arrintani miyaanay u ekeyn dadka ku dhaqana Deegaanada SSC ay u dhexeeyaan labo Maamul oo mid ay doonayaan(Puntland), waxna ay kasoo dhisteen laakiin isagu aan doonayn ,iyo mid ay Diidayaan waa (Somalind) laakiin isagu danaynaya ama khasab iyo xabad ha ku helo, ama xal kale,e.

Akhriste hadaan u noqdo maqaalka cinwaanka kana jaawabo suaasha ah ma Puntland ayan rabin Sool iyo Cayn mise Sool iyo Cayn ayaan Puntland rabin waxay su ashani dib inoo celinaysaa ilaa 12 sano ka hor  markii Xerada 54aad ay isugu yimaadeen Isimada ,Waxgaradka ,Aqoonyahanka ,iyo Sariikiisha cidamada ee ree puntland , kama ay maqnayn waxgaradka Deegaanada SSC dhismaha Puntland iyo yagleelida maamul kooba deegaanada inta u dhaxaysa Xeeb, iyo guban, Highland,mudug iyo nugaal hawd iyo ciid iyo sanaag oo dadka degaa hayb ahaan isku isir yihiin, midkalena waxa mudan in la is xusuusiyo, waxgaradka dadka ka soo jeeda deegaanada SSc ,laguma khasbin inay Saxiixaan Mucaahadadii lagu dhisay Puntland laakiinse waxay ahayd rabitaankooda iy rabitaanka shacabka ay metelaan oo ay wakiil uga ahaayeen Madasha shir weynihii lagu yagleelay Puntland.

Marka ay timado kuwa aminsan maamul loogu yeedho SSc oo gaar ka ah Puntland, waxa keliya oo ay ku xujoobi karaan, gobolada aad gaarka u rabtan waxy qayb ka yihiin heshiiskii asaaska puntland ee 1998, waxa keliyaha oo lagukala noqon karaana waa heshiis kii lamid ah, laakiin koox ku shirtay Nayroobi kama tarjumayso rabitaanka shacabka Deegaanada SSc ee puntland.

siciid_dheere4_976114839.jpg 

Gebagebada qormadan ayaa waxaan is waydiinayaa in badan oo anigu aan ka mid ahay ayaa shaki iyo welwel weyn ka qabna Mawqifka madaxweyne ku xigeenka Puntlad Cabdi semed Cali Shire ee ku wajahan Soo celinta Laascaanood waxana Shakigani Cirka isku sii shareeray Dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Ganbadhe, oo ciidamo jifo ahaan la qoys ah Cabdisened cali Shire ,ay dagaalka dib uga joogsadeen iyadoo ay ku sababeeyeen wax amar ah umaanu qabno, dabcan way caday amarka waxa laga sugayay waa Cabdi semed,,, Laakiin cabdi semed sidee dagaalka dib uga feytaa iyadoo ragiisii cadow is hayaan tasi jawaabteeda waxay u taal malaha inta ku xeeran Cabdi semed Cali Shire iyo inta ka ag djoow.

Siciid C/salaam Siciid

Puntlandpost.com+xigasho FAALO<

E-mail loole15@hotmail.com

Leave a comment

Filed under MAQAALO, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s