Dagaalo xoogan oo goor dhoweyd ka qarxay Gobolka Galgaduud.

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaalo xooga oo u dhaxeeya Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljamaacah oo taageeraya Ciidamo Itoobiyaan, iyo Xoogaga Al-Shabaab ayaa ka qarxay deegaano ka tirsan Galgaduud.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa ka socda deegaanka la yiraahdo God-Dhurwaa oo qiyaastii ilaa 20-KM dhanka bari ka xiga Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Galgaduud.

Dagaalka oo ah kuwo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ahaa dagaal maalmahan la sii saadaalinayay, kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Ciidamo kale oo Ahlusuna tababar loogu soo gaba gabeeyay gudaha Itoobiya ay soo galeen Gobolka Galgaduud.

Xiisadaha colaadeed ee ka jira Gobolada dalka iyo gulufka dagaal ayaa ah kuwo isku mid ah, oo qorshahooda ay wadaan Dowladda KMG, AMISOM iyo Ciidamada Itoobiya oo deegaanada xuduuda ah ka taageeraya kuwa Dowladda KMG iyo Ahlusuna.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s