Rag la sheegay inay yihiin argigixiso oo lagu qabtay Gaalkacyo

Ciidamada Maamul  goboleedka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramayaa inay xabsiga dhigeen nin la dhashay Sheekh Max’ed Saciid Attam iyo rag kale oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal amni dari oo maalmahaan ka dhacayay Gaalkacyo.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee Maamul goboleedka Puntland gaashaanle sare Maxudiin Axmed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xarunta gobolka Woqooyiga magaalada Gaalkacyo aya waxaa uu ka hadlay howlgalo mudooyinkii dambe ka soconayay Xeradii hore ee Dayax iyo xaafadaha magaalada Gaalkacyo kuwaaso oo uu tilmaamay inay kula dagaalmayeen kooxo falal amaan dari ah ka waday gudaha magaaladaasi.

Maxudiin Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in ciidamada booliska ay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan waxa uu ugu yeeray aargigixisada Caalamiga ah ee ku sugan Gaalkacyo, wuxuuna sheegay inay qabteen ilaa iyo afar ruux  oo uu ka mid yahay C/rashiid Sheekh Attam oo la dhashay Sheekh Max’ed Saciid Attam kuwaasi oo uu tilmaamay inay falal amaan dari ah ay ka gaysanayeen gudaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ragaasi ay ku jiraan xabsiga magaalada Gaalkacyo waxaaana uu tilmaamay inay ku wadaan baaritaano xoogan, isagoo shaaca ka qaaday in hadii lagu waayo dambiyadaasi ay sii dayn doonaan.

Hadalka kasoo yeeray Taliska ciidamada booliska ee Maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya iyadoo mudooyinkii dambe ay magaalada Gaalkacyo ka socdeen  howlgalo xoogan oo ay samaynayaan ciidamada amniga kadib markii ay kusoo kordheen qaraxyada iyo dilalka qorshaysan oo loo gaysanayo Madaxda Maamulkaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s