Maraykanka oo shegay in DKMG ay horumar ka gaartay dagaalada

Kaaliyaha Wasaaradda arimaha dibadda dowladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika Joni Karson ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay ku guulaysteen inay la wareegaan goobo farabadan oo ay horey u haysteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Joni Karson ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay si wanaagsan ay u gudanayaan howlaha ay u joogaan dalka Soomaaliya, isagoo shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay u suuro gashay inay dilaan dagaalyahano uu  sheegay inay ahaayeen Ajaaniib kuwaasi oo ka barbar dagaalamayay Shabaab.

Kaaliyaha arimaha dibadda ee dowladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Al-qaacidada ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya ay soo wajahayso cabsi xoogan oo uu sheegay inay kaga imaanayso dhinaca dowladda KMG Soomaaliya kadib dagaalo qorshaysan oo lagu qaaday.

Mar la waydiiyay Mr. Karson, dhibaatada ka taagan dalka Liibiya ayaa waxaa uu sheegay  in markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya uu dalka hoy u noqday Aargigixisiada Caalamiga ah, isagoo cadeeyay in dowladda Maraykanka ay cabsi wayn ka qabto in dalka Liibiya uu sidoo kale hoy u noqda Al-qaaciddada, waxaana uu ugu baaqay beesha Caalamka in laga hortago dhibatada kasoo fool leh dalka Liibiya.

Kaaliyaha Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika Joni Karson ayaa waxaa uu sheegay in Maraykanka ay bil waliba ugu deeqo ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM  ee ku sugan Soomaaliya lacag dhan 70-Milyan oo dollar, isagoo carabka ku dhiftay in iminka ay diyaarinayaan Istaraatiijiyad cusub oo ay lacago ugu deeqayaan dowladda KMG Soomaaliya.

Ugu dambeyn ayaa Joni Karson waxaa uu ugu baaqay dowladaha Afrika iyo Midowga Yurub in talaabo deg deg ah ay qaadaan si loo taageero dowladda KMG oo horumar la taaban karo ka samaysay dagaladii ugu dambeeyay oo ay la gashay Xarakada Mujaahidiinta Shabaab.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s