Maamulka Degmada Boosaso Oo Maanta Soo Bandhigay Waxqabadka D/hoose ee Boosaso Sanadkii 2010 (Sawiro)

Waxaa Maanta Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada boosaso Ka Dhacay Xaflad Balaaran oo maamulka Degmada Boosaso ay Ku Soo bandhigayen Waxqabadkoodi Sanakii Tagay Ee 2010 iyo Waliba Waxyaabaha ay qaban Doonan Sanadkan.

Xaflada ayaa waxaa ka soo Qaybgalay masuuliyinta Degmada Odayaasha Ururada haweenka Nabadoona iyo Masuuliyin Ka socotay Dawlada Puntland Oo Goob Joog ahaa.

Duqa Degmada Boosao maxmud Faarax Beeldaje Oo Halkaasi ka akhriyay Qudbad dheer ayaa Waxa uu Qaab Muuqaal ah u soo bandhigay Waxqabadka Dawlada Hoose intii Uu xilka Hayay Wixii Ugu Muhiimsana.

Madax ka socota Hay adaha oo Goob joog ah

Waxqabadka Dawlada Hoose ee Boosao ayaa waxaa Laga soo Bilaabay 9kii Bishii marso ee sanadkii 2010 oo ahayd markii xilka uu Qabtay Duqa Haatan ee Boosaso Maxmuud Faarax.

Waxaana ugu Muhiimsanaa Waxqabadka Duqa degmada Uu halkaasi ka Sheegay.

1- dawlada Hoose ee Boosaso Markii xilkaasi ay Qabatay Waxaa Ay Si Toos ah u Bilowday Bixinta Mushaarka shaqalaha Dawlada hoose ee Boosaso.

2- Dawlada hoose ee Boosaso Sanadkii 2010 waxaa ay Wax ka qabatay dhibatoyinka dhinaca Qashinka ee Magalada dhexdeeda ah waxaana ay abuurtay shaqaale iyo gaadiid ka shaqeya arintaasi.

3- Dawlada Hoose ee Boosaso oo Kaashaneysa Hay’adaha qaar Waxaa ay Hirgalisay Kawaan Hilib oo Muhiim ah Kaasi oo Wax badan Ka Taray Nadaafada hilibka dadka ay Cunayaa.

4-Dawalad Hoose ee Boosaso Waxa ay Dhistay Guri ay Ku Kulmaan Dhamaan Dhalinyarada Somaliyeed kaasi Oo Ujeedadisa Tahay in Meesha ay ka Baxdo Ka Qaybqaadashada Dhalinyarada dhinacyada Burcad badeeda iyo Galitaanka safarka Loo Yaqaano Tahriibka.

5-Dawlada Hoose ee Boosaso waxaa ay Bilowday Wado laami ah Oo ka Imaanaysa Garoonka Dayaaradaha ee boosaso isla Markaasna Tagaysa Xarunta Madaxtoyada ee Boosaso mashruucaas Oo Dawlada Hoose hada U Socdo.

6-Dawlada Hoose ee Boosaso waxaa ay Dhistay Xarumo Muhiim ah oo Tagaasida Laga Raco Taasi oo Haatan Si Rasmi ah u shaqeys Isla Markaasna Dadweynaha Ay Soo Dhaweyen.

7-Dawlada Hoose ee Boosaso Waxaa ay Xiligani Xanaaneysaa 32 Caruur ah Oo Lagu Tuuray Wadoyinka kuwaasi oo haatan Hayntooda iyo Quudintooda ay Qabto Dawlada Hoose ee Boosaso.

8- D/hoose ee Bosaso waxaa ay Dhistay Goobo Waaweyn Oo lagu Hayo Xoolaha Inta aan Kawaanka la keenin kuwasi Oo Wax badan ka Badalay Tayada Xoolaha Gaar ahaan Geela.

Ururada Haweenka

Sidoo Kale Duqa Degmada Boosaso ayaa Halkaasi Waxaa uu ka Sheegay Himiloyinka ay Sanadkan 2011 Dawlada Hoose ee Boosaso Higsaneyso.

1- Dhameystirka Wadada Laamiga ah ee Haatan Dhismaheeda Socdo iyo Bilaabista Wadooyin Kale oo ah Dhinca Gaaca iyo mid Marta Wadad jidka Sodonka.

2- Dhisidda Ceelal Biyoodyo Dagmada Karin iyo Degmooyin Kale Iyo Sidoo Kale Dhisida Goobo Waxbarasho Oo Degmoyinkaasi ku Yaala.

Odayasha ka soo Qaybgalay

Hadaba Waxqabadka sanadakan ee Dawlada Hoose ayaan la Soo koobi Karin iyadoona dhamaan dadkii Goobta ku sugnaa U Mahad Celiyeen Maamulka degmada isla markaasina ugu Duceyen In duqa Howshasi U Fududato.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s