Ururka dhalinyadarada Casayrland Youth Union oo aragtidooda ku aadan shirka kaga dooday Galabta Casayrlandchat.ning.com

Waxaa galabta isugu Yimi hooyga Kulanka dhalinyarada deegaanada Gobolka Raascasayr ee loo yaqaan Casayrland Youth Union ayaa galabta isugu yimi http://www.casayrlandchat.ning.com oo ah kalka ay ku kala warqaatan dhamaan jaaliyadaha gobolka Raascasayr ee ku kala dhaqan dunida daafaheeda .

Waxa maanta ay kaga hadleen dhalinyarada kulankaas joogtay shirka beelaha siwaaqroon ee ka dhacaaya Magaalad Baargaal  shirkaas oo ah mid lagu dhisaayo maamulada dagmooyinka iyo tuyulooyinka Gobolka .

Waxa ay dhalintu si wada jira ugu riyaaqeen isui imaanshaha iyo aayo ka talinta ergooyinka horumarinta deegaanada gobolka raascasayr .

Afhayeenka ururka dhalinyarada (CYU) Eng Abdalla Mohamed Mahamud oo ka warbixiyay sida ay u arkaan shirka  iyo waxyaabaha ay rajaynayaan ayaa yiri ” Waan ku faraxsanahay shirwaynaha Baargaal la dhacaya waxaana rajaynaynaa inuu ahaato mid ay ka soo baxaan aragtiyo midaysan oo ku wajahan kor u qaadida adeegyada bulshada Deegaanada gobolka Raascasayr  iyo dhismaha maamul uu yeeshaan  dhamaan deegaanada gobolka Raascasayr . Waxaan anagu la garab taaganahay waxqabada ku salaysan iskaa wax u qabso  aniga oo ku hadlaaya afka dhalinyarada”

Kulankaan ayaa waxaa isugu yimi dhalinyaro badan oo tiradoodu gaarayso ilaa 80tan dhalinyaro ah oo ku kala nool daafaha dunida dhamaantoodna waxay aad ugu riyaaqeen oo si farxadi ku dheehan tahay u soo dhoweeyeen Shirwaynaha Beelaha Siwaaqroon ee  ka furmaaya Baargaal .

Allcaseyr .net

2 Comments

Filed under NEWS

2 responses to “Ururka dhalinyadarada Casayrland Youth Union oo aragtidooda ku aadan shirka kaga dooday Galabta Casayrlandchat.ning.com

  1. anigoo ah wiil kunool wadanka maraykanka kana soojeeda deegaanada casayrland waxaan halkaan uga mahadnaqayaa dhalinta beesha ee sharafta mudan ee halkaan kawa xiriira khaas ahaana waxaan umahadnaqayaa gudoonka websiteka tan labaad waxaan kufaraxsanahay in aan maanta nahay dad dantoodii ay dayaceen dib u eegay oo guul aan lamalaynkarin ay kasoo indhacadahay khayr ayaana idiin rajaynayaa dhalinyarooy dhamaantiinaba.

  2. waxaan ahay wiil soomaliyeed oo kunool magaalada garoowe kana soo jeeda degaanada Caseyrland waxaan aad ugu faraxsanahay katalinta aayahay degaanada caseyrland waxaan uriyaaqayaan shirwaynaha kasocda magaalada baargaal waxaan leeyahay ilaah hakadhigo kii u horsedilahaa aayaha iyo Hormarinta G/bolka Casayrland waana hormaraan ku ku faani karno in aan dadwaynaha G/bari waxala qaybsano dekedna ka dhisno Caluula

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s