Allah-Unaxariistee Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh Cabdi Suldaan oo ka mid ahaa Culumada Soomaaliyeed ee Caanka ka ahaa Dunida Islaamka ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya.
Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh C/suldaan ayaa la sheegay in geerida ka hor uusan qabin wax xanuun ah sida ay warbaahinta u sheegeen Ehelada Marxuumka, waxaaana Ehalada Sheekh Cumar Faaruuq ay tilmaameen in Sheekha uu saacadihii u dambeeyay xaaladiisa ay aheyd mid caadi ah hase ahaatee la’arkay isagoo meyd ah oo dulsaaran sariirta.
Alah Unaxariistee Marxuumkaasi ayaa waxaa uu ahaa mufti wayn oo waqti badan u huray fidinta diinta Islaamka kana qeyb galay shririr farabadan oo caalami ah oo looga hadlayay dacwada Islaamka.
Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh C/suldaan ayaa waxaa uu ku dhashay Kalinka shanaad gaar ahaan deegaanka Carmaale oo ku dhow magaalada Qalaafe, Sanadka markii uu ahaa 1949, waxaana Sheekh ifka kaga tagay 15-caruur ah oo 9-ka mid ah ay yihiin wiilal.
Geerida Sheekh Cumar Faaruuq ayaa waxaa dadkii ka hadlay uguna tacsiyeeyay ehaladiisa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ka mid ahaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo ku tilmaamay Marxuumka in uu ahaa daaci waqti badan galiyay fidinta diinta Islaamka.