Dagaal iyo duqeymo qasaare geystay oo galabta ka dhacay Muqdisho

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa uu ka dhacay xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon, waxaana dagaaladaasi bar bar socday madaafiic cul culus.

Dagaalkaani oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo garabsanayay kuwa Midowga Afrika iyo xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa uu ka dhacay Xaafada Al Baraka, nawaaxiga warshada Caanaha iyo Xero Ruush halkaasi oo weerar ay ku qaadeen ciidamada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa bar bar socday madaafiic cul culus oo saameyn ku yeeshay degmooyin ka baxsan halka lagu dagaalamayay, waxaana inta la ogyahay ku dhintay hal qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 7 kale oop dhamaantood ahaa dad rayid ah kuwaasi oo madfac uu kula dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana qofka geeriyooday ay aheeyd sida la sheegay haweeney darwarsaneysay.

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, yadoo wali uusan wax war ah ka soo bixin xarakada Al Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s