Ciidamada Mariiniska ee Maraykanka oo gacanta ku dhigay burcad badeed

Ciidamada Mariiniska ee dowladda Maraykanka ayaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen kooxo burcad badeeda Soomaalida oo doonaysay inay qafaashaan Markab laga leeyahay Japan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Kumaandooka ee Maraykan ah ay gcanta ku dhigeen koox burcad badeeda ah oo gaaraysa ilaa 4-qof kadib markii weerar fashilmay ay ku qaadeen Markab shixnad Shidaal wada oo laga leeyahay dalka Japan.

Ciidamada Kumaandooska oo la socday mid ka mid ah Maraakiibta wax burburisa ee laga leeyahay Marakaykanka oo lagu magcaabo USS Bulkeley ayaa la sheegay inay ka warheleen doon aad u dhayraysa oo la sheegay inay wateen burcad badeeda Soomaali ah oo  kusii siqaysay Markab laga leeyahay dalka Japan oo lagu magacaabo MV Guanabara xili uu marayay meel u dhow xeebaha Cuman.

Bayaan kasoo baxay Ciidamada Caalamiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa lagu shegay in Markabkaasi laga leeyahay dalka Japan islamarkaana shaqaalihii saarnaa ay gaarayeen 24-qof iyadoo la tilmaamay inay gabaad ay ka dhigteen mid ka mid ah qolalka Markabka markii weerar qorshaysan ay kala kulmeen burcad badeeda.

Ciidamada Mariiniska ee badda ayaa  burcad badeeda Soomaalida ku qabtay meel 328-Meyl Koofur bari kaga beegan xeebta Duqm ee Koofurta Cumaan, waxaana bayaanka uu intaasi ku daray in wax is rasaaseyn ah aysan dhicin xiligii howlgalkaasi uu soconayay.

Markabkani laga leeyahay dalka Maraykanka islamarkaana ah nuuca wax burburiya ayaa waxaa uu qeyb ka yahay Maraakiibta Caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida u jooga aga agaarka Xeebaha Cumaan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s