Puntland iyo Somaliland oo dagaal qasaaro gaystay ku dhexmaray…..

  Ciidamada Maamulka Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa galinkii dambe ee maanta waxa ay ku dagaalameen deegaan lagu magacaabo Ganbara ee dhowr Mitir u jirta magaalada Laasacaanood ee Xarunta gobolka Sool.

 

Dagaaladaan ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa ay ka qarxeen deegaan lagu magacaabo Ganbara oo 20-KM kaga beegan dhinaca Koofurta magaalada Laasacanood kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalka ayaa la tilmaamay inay qaadeen ciidamada Puntland kuwaasi oo ku qaaday deegaanka Ganbara, waxaana inta la’ogyahay ku dhintay 8 qof oo dhinacyadii dagalaamay iyadoo ay ku dhaawcmeen tiro intaasi ka badan, iyadoo Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ay guulo ka sheegtay dagaalkaasi kuwaasi oo tilmaamay inay la wareegeen deegaanka Ganbara oo ay dagaaladu ka dhaceen.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Cismaan C/laahi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada Somaliland ay ku lahaayeen deegaanka Ganbara oo uu dagaalka ka dhacay.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa ah iminka mid wali laga dareemayo xiisad kacsanaan ah, iyadoo labada dhinac ay samaynayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana cabsi ay soo foodsaartay dadkii ka agdhawaa deegaanada lagu dagaalamay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s