Ku dhawaad 10 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Nugaal

Ku dhawaad 10 qof oo ay ku jireen haween iyo caruur ayaa ku dhintay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen Shil gaari oo maanta ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Nugaal.

Sida ay sheegayaan wararka Shabelle ay ka heleyso deegaanka Dangorayo ee gobolka Nugaal, Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa maanta ka dhacay halkaasi iyadoo qaar ka mid ah dadka shilka ku dhaawacmayna xaaladooda laga deyrinayo.

Gaariga Shilka galay oo ahaa UD ayaa waxaa la sheegay in uu ka soo ambabaxay Magaalada Boosaaso waxaana uu wadada ka baxay markii uu marayo deegaanka Dangorayo iyadoo shilka uu halkaasi ku galeyna uu sababay dhimada 7 ruux iyo dhaawac 8 kale oo uu ku jiro wiil yar oo aabihiis uu ka mid ahaa dadka dhintay.

Sedax ka mid ah dadka dhintay ayaa la sheegay in ay haween ahaayeen iyadoo 4-ta kalana ay rag ahaayeen sida uu Idaacada Shabelle u sheegay gudoomiyaha deegaanka Dangorayo Muqtaar C/raxmaan.

Dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda laga deyrinayaa waxaana qaarkood la sheegay in loo qaaday isbitaalka Magaalada Garoowe ee caasimada Maamul goboleedka Puntland sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii safarka ahaa.

Xigasho Shabelle

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s