Xaaladda soomaalida ku nool dalka Liibya oo laga deyrinayo

Sii-hayaha(KMG) ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Libya Md.Muxyaddiin Maxamed Kaalmoy, ayaa Warfaafinta uga warramay Xaaladda Dadka Soomaaliyeed ee Dalka Libya.

Md.Kaalmoy wuxuu sheegay in ay Soomaalida dalka Libya, oo tiradooda lagu qiyaaso 2500 qof ay ku sugan yihiin Xaalad adag oo xagga Nabadgalyada iyo Nolosha ah. Taas oo ka dhalatay Rabshadaha ka aloosan dalka Libya.

Waxaa jira Dad Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Rabshadahaas, kuwa ku dhaawacmay,kuwa baqdin darteed uga soo cararay Aqalladooda iyo kuwo laga soo eryay hoygii ay degganaayeen -sida ay sheegeen.

Boqollaal Soomaali ah ayaa haatan Hoy iyo Gabbaadba ka dhigtay Xarunta Safaaradda ee Tripoli, taas oo Xafiisyadii Safaaradda u ekaysiiyay ‘Xero Qaxooti Soomaaliyeed’, jaha-wareerna geliyay hawl-maalmeedkii Masuuliyiinta iyo Shaqlaahihii Safaaradda ee caadiga ahaa.

Soomaalida Libya ayaa haatan u baahan Jihooyin Sama-faleed iyo kuwa Dawlado u soo gurmada, kana samata-bixiya khataraha ay ku sugan yihiin.

DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa iyadu Codsi u gudbisay Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Q.Midoobay in ay talaabo Bani-aadannimo oo gurmad ah u qaadaan Xaaladda Soomaalida Dalka Libya.

Sidoo kale, waxaa laga codsaday Dawladda iyo Shacabka Libya in ay xil gaar ah iska saaraan Samata-bixinta Soomaalida Martida ku ah dalkooda oo aan iyagu ku lugta lahayn Colaadda.

Dawladaha Xuduudda la leh Libya ayaa iyagana laga codsaday in ay Xuduudaha u furaan, soona dhoweeyay Soomaalida ka soo firdhanaysa Rabshadaha Dalka Libya.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed
Cali Ibraahim Diiriye (Daa’uus)
Tripoli-Libya

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s