Qarax Dhimasho iyo dhaawac Sababay oo ka dhacay Bosaaso

Qarax xoogan ayaa Toban daqiiqo ka hor Gil Gilay Hotel Juba ee  Magaalada Bosaaso Dhawaaqa Qaraxa ayaa guud ahaan Bosaaso Aad looga maqlayay Mana Jiraan war Faah Faahsan oo sheegaya Sida Qaraxaasi u dhacay xidhiidh badan oo aanu Samaynay Nooma Suura Galin.

Waxa la sheegay in Gaadhi uu lahaa Xuseen Gurxan oo ah Oday ka mid ah Duqayda Bari Gaar ahaan Degmada  GalGala uu Qaraxaasi waxa yeelay waxana ku dhintay Dareewalkii Gaadhiga Nabadoonka  oo Lagu Magcaabi Jiray Siciid Cakaal [Alle Naxariistii ha Geeyee] Halka oday Xuseena uu Yahay dhaawac aan la sheegin inta uu legyahay sidoo kale, dumar Gaadhiga xagiisa danbe saaraa ayaa iyana dhaawacan.

Ilo wareed ayaa sheegaya in Gaadhi Qaraxa lagu Tuuray Halka warar kalena Leeyihiin Qaraxu Meeshuu Yaalay.

Laakiin waxa la Cadeeyay oo ay sheegayaan Goob Joogayaal in Gaadhiga Nabadoonku uu Marayay Meel aan Saas uga Fogayn Hotel Jubba Laguna war Helay Dhawaaqa Wax Yaalaha Qarxa.

Hase yeeshee Faah faahin dhab ah Lama Hayo ilaa hada waxana rasaas Teel Teel ah ridaya Booliska oo Meesha aad isaga soo Buuxiyay Qiix xoogan iyo Uuro  ayaa isku xidhay Hotelka Juba.

Xuseen Gurxan wuxuu ka mid yahay Duqayda Caanka ah ee Gobolka Bari waxana uu Magaalada ku Leeyahay Dhul Beereed Fara badan Sida Beerta Xusen Gurxan ee Duleedka Garoonka Diyaaraha ee Bosaaso.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s