Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ku sugan Dalka Telyaaniga(Sawiro)

Wafdiga Madaxweynaha waxa ka mid ah Wasiiru Dowlaha Maamul wanaagsa iyo Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta la socda ayaa ku sugan Magaalada Rome ee Caasimada ah, waxayna halkaasi kula kulmeen masuuliyiin ka socota Dowlada Telyaaniga iyo Midowga Yurub, sidoo kale wafdiga madaxweynaha waxay kulamo la yesheen soomaalida ku dhaqan Magaalada Rome.

Maalinka beri ah ayaa la filayaa ama loo balansanyahay inuu qabsoomo kulan weyne ka dhacaya Jaamaca Rome halkaasi oo madaxweynah uu kula hadlaya soomaalida ku nool telyaaniga iyo marti sharf kale oo ay ku jiraan masuuliyiinta dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay dalkan, gaar ahaan waxa soo dhoweyn wanaagsan iyo wadaninimo muujiyay shacabka Puntland ee ku dhaqan dalkan oo ay horkacayaan masuuliyiinta Jaaliyadda Puntland sida Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Cawaale Jaamac Salaad.

Wafdiga madaxweynaha soo dhowedyntiisa waxa sidoo kale ka qayb qaatay Dr. Maxamed Jaamac Salaad oo ah dhakhtar reer Puntland ah oo ku xeel dheer cuduradda Neerfaha.

Waxa jira sidoo kale kulamo goono gooni ah oo dherxmaray Madaxweynaha iyo Jaaliyadda Puntland.

Allcaseyr.net

Italy Roma

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s