Hogaamiyaha ugu sareeya Shabaab oo fariin u diray Burundi

Hogaamiyaha ugu sareeya Xarakada Al Shabaab ayaa fariin u diray shacabka reer Burundi isagoo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ciidamadooda looga saari lahaa dalka Soomaaliya.
Sheekh Mutqaar C/raxmaan abuu Zubeyr oo ah hogaamiyaha guud ee Xarakada AL Shabaab oo fariin maqal ah soo saaray ayaa waxaa uu digniin ugu diray fariintiisa shacabka reer Burundi isagoo kula taliyay in ay ciidamadooda kala baxaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ay hayaan maxaabiis farabadan oo u dhalatay Burundi kuwaasi oo uu tilmaamay in qaarkood dhaawacyo ay qabaan waxaana uu ugu baaqay shacabka Burundi in ay ka shaqeeyaan sidii ciidamadooda looga saari lahaa Soomaaliya inta aysan Shabaab sameyn talaabo aargudasho ah sida uu hadalka u dhigay.

“Hadalkaan waxaa uu ku socdaa shacabka Burundi, waxa muuqata in ciidamadiina la soo qalday oo wax badan aysan ka fahansaneyn xaqiiqda taala Soomaaliya, waxaad ogaataan in Muqdisho ay ku fashilmeen dowlado idinka xoog badan idinkana jabkiina waa uu bilowday waxaana astaan u ah meydadka ciidankiina ee lagu jiidayo Muqdisho” ayuu yiri Abuu Zubeyr.

Hogaamiyaha sare ee xarakada Al Shabaab Sheekh Mutqaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa sheegayb in ciidamada Burundi ay ku qasbanyihiin in ay isaga baxaan gudaha dalka Soomaaliya maadaama sida uu tilmaamay ay ku fashilmeen dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.

“Waxaa hubaan ah in aad qasab dalka uga bixi doontaan kala doorta maanta in aad baxdaan in wali uu qasaarihiinu yaryahay iyo in aad baxdaan mar ciidankiinu baaba’ay qasaare ba’ana uu idin soo gaaray” ayuu hadalkiisa intaasi ku sii daray Amiirka Al Shabaab.

Hanjabaadaan cusub ee Shacabka Burundi uu u jeedinayo hogaamiyaha sare ee AL Shabaab ayaa imaaneysa xili askar ka tirsan ciidamada Burundi la sheegay in ay ku dhinteen dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s