Wasaaradda Beeraha oo Kulan La Yeelatay Dad ku Xeeldheer arimaha Beeraha

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland xarunteeda magaalada Garoowe ayaa waxaa kulan balaaran isugu yimid madaxda Wasaarada iyo Aqoonyahano dhinaca Beeraha ku xeeldheer.

Kulankaan oo ahaa mid usoo qaban qaabiyay Wasiirka Beeraha ayaa waxaa looga golahaa sidii loo hormarin lahaa beeraha Puntland.

Wasiirka Beeraha Eng.Maxamuud Saalax oo saxaafada kulanka dabadeed uga warbixiyay ayaa waxaa uu sheegay in kulankaan ay kasoo qaybgaleen aqoonyahano dhinaca beeraha ah kuwasoo isugu jira dad horay uga soo shaqeeyay beeraha iyo kuwa aqoon dheer u leh arimaha beeraha.

Wasiirka ayaa waxaa kaloo u sheegay in ay xubnahaan ay isugu yeereen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hormarinta beeraha Puntland ayna talo iyo tusaalo ugu soo kordhin lahaa wasaarada Beeraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay wada hadal dheer kadib la isla meel dhigay in marka hore dib u eegid lagu sameeyo buug siyaasada beeraha Puntland oo la turxaan bixiyo waxaa uu baahanyahay lagu daro ,in la helo qalabka lagu baaro ciida iyo biyaha,in ay
kulamadaan oo kale ay noqdaan kuwo ay marar badan yeeshaan Wasaarada iyo khuburadaan ku xeel dheer beeraha iyo in la sameeyo cilmi baaris dhinaca beeraha.

Wasiirka Beeraha ayaa ugu danbayntii sheegay in kulanka maanta uu ahaa mid ay iyaga iyo aqoonyahanada ay isla qaateen in loo istaago sidii beeraha loo hormarin lahaa cid kastana ay gacan buuxda ka gaysato.

xigasho horseed media
allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s