Shabaab oo bilaabay la tashiga raggii ka qeyb qaatay Dagaalkii 77

Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa ay kulamo kula qaateen saraakiil ka tirsanaa ciidamadii xooga Soomaaliyeed ee dagaalka la galay dowladda Ethiopia Sanadkii 1977-dii

Iyadoo xarakada Al Shabaab ay dagaalo xoogan haatan kula jirto dowladda KMG Soomaaliya ayaa saraakiil ka tirsan Al Shabaab waxa ay kulamo kula qaateen degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo saraakiisha ciidamadii hore ee xooga dalka ee ka qeyb qaatay dagaalka 1977 dhexmaray Ethiopia iyo Soomaaliya.

AL Shabaab ayaa saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa ay ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan dagaalada Xarakada Al Shabaab ay kula jirto ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM islamarkaana maskaxdooda ay ku biiriyaan dhalinyarada yaryar ee ka tirsan Al Shabaab.

Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah masuuliyiinta kulanka ka qeyb gashay oo halkaasi ka hadashay ayaa waxaa uu ugu baaqay saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka in dagaalada lagula jiro dowladda KMG iyo AMISOM ay ka qeyb qaataan islamarkaana ay u huraan naf iyo maal intaba.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa masuuliyiinta AL Shabaab waxaa ay wadeen dadaalo xoogan oo ay ku abaabulayeen ciidamo horleh oo ka qeyb qaata dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada maanta ee degmadaasi ay tahay mid degan iyadoo aysan jirin wax dagaalo ah oo halkaasi ka soconaya hase ahaa wali ay taagantahay saan saan colaadeed oo u dhaxeeya dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s