Qaar ka mid ah Ururada Soomaalida Holland oo ku midoobay Dallad iyo Hooyooyin Soomaaliyeed oo Dowladda Holland ka codsaday in la joojiyo Qaadka (SAWIRRO)


Kulan ballaaran oo dorraad ka dhacay Magaalada Rotterdam ee wadanka Holland waxaa lagaga dhawaaqay dalladda RIJSOM oo ah dallad ay ku mideysan 17 ururo Soomaaliyeed ah oo ay dhisteen Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Rotterdam iyo magaalooyinka ku dhowdhow, waxaana fadhigan oo ay ka soo qeybgaleen xubno metelayey 17-ka urur ee wada dhistay dalladan, sidoo kale goob joog ka ahaa madax ka socotay xisbiyadda mucaaradka wadanka Holland oo ay ka mid ahaayeen Groen-Links iyo PVDA,  iyo madax ka socotay dowladda hoose ee magaalada Rotterdam (Gemeenthuis Rotterdam).

Xubnihii Soomaalida iyo ajnabiga ahaa ee kulankaasi ka hadlay waxaa hadalka u qeybinayey C/raxmaan Maxéd, waxaana ugu horreyn ka soo qeybglayaashu ay si taxadar leh u dhageysteen warbixin dheer oo uu halkaasi ka soo jeediyey Nuur Maxéd Faarax oo ah Guddoomiyaha dallada, wuxuuna sheegay in markii ay darseen baahida xoogan ee ay Soomaalida ku dhaqan Rotterdam iyo hareeraheeda  u qabaan in ay helaan maamul adag oo mujtamaca Soomaalida kala qeybqaata sidii ay wax u wada-qabsan lahaayeen iyaga dhexdooda, waxna ula qabsan lahaayeen bulshada kale in ay goáan ku gaareen dhismaha dalladan oo ah mid kulmisa dhammaan ururada Soomaalida ee degan nawaaxiga Rotterdam, wuxuuna tilmaamay in ujeedadoodu tahay in ay magaca Soomaali intii awoodooda ah ay dhulka ka qaadaan, kuna dedaalaan in ay ku dhiirageliyaan Soomaalidu in marka hore ay dhexooda is caawiyaan, iskana war-hayaan “Waxa aad inoo dhibay fahamka qaldan ee ay bulshada naga qabaan iyo sida haddii aan Soomaali nahay aan isku dhiganay, waxaan dooneyno waxey tahay sidii loo heli lahaa dad bisil oo Soomaali ah kana shaqeeya sidii hooyooyinka iyo ubadka magaaladan wax loogu qaban lahaa” ayuu yiri Nuur Maxéd Faarax, wuxuuna xusay in tiirka ugu weyn ee ururkoodu ku dhisan uu yahay in wax walba laga tashado, laga doodo, kadibna la qaato fikirka badbaadinta iyo wax dhisida.

“Wax kasta waa na lagu tilmaamay waxaan noqonay mushtamac marka wax xun laga hadlayo tusaale loo soo qaato, laakiin haddii aan dedaalno oo qof kastaba is xilsaaro waxaan rajeyneynaa in aan noqono mustaqbal dad tusaale wanaagsan noqon kara, waana inaan la helaa aqoonyahano isbedel sameyn kara” ayuu yiri Nuur, wuxuuna intaa raaciyey in ay talada wax ka siinayaa cid kasta oo waxgarad ah oo wax un ku kordhin karta.

Guddoomiyaha xisbiga shaqaalaha PVDA qeyb ka mid ah magaalada Rotterdam Ton oo Soomaalidii ka soo qeybgashay la hadlay ayaa bogaadiyey dhismaha dalladan, wuxuuna sheegay in ay tahay tallaabo muhiim ah in la helo Soomaali badan oo dhinac isu-raacday, hadafkooduna yahay in ay la saan-qaadan dedaalada dhinaca siyaasada iyo horumarka bulshadeed ee ka soconaya magaalada, wuxuuna ku tilmaamay Soomaalida bulsho firfircoon, una baahan yahay in ay si fiican isu abaabulaan si ay mustaqbalka horumar u tiigsadaan.

“Dowladdan waxey waddaa qorshayaan aad u dhibaya ajnabiga ay Soomaalidu ka mid tahay, dadka welfare (Cayrta) laga yareynaayo dhibaato weyn ayaa la soo gudboonaanyso, tan kale dadka ajnabiga ah haddii la qabto oo la xiro, marka uu xabsigiisa dhameysto qofka wadankiisa ayaa lagu celinayaa, Soomaalidana  waxey ku wareereen sharcigeena waan ognahay in ay dhibaatooyin fara badan ay qabaan oo sharciga wadanka aysan fahmin shaqo laáan, oo waxbarashada ku liitaan, luqadana ku liitaan” ayuu yiri Ton” wuxuuna xusay in Soomaalida isku xirnaantoodaay ku gaari karaan in ay wax badan ka qabsadaan wadankan.

Nourdin El Ouali oo ka socday Xisbiga Groenlinks oo ka hadlay madasha wuxuu ka warbixiyey in Soomaalida ay ka mid tahay bulshadda ugu badan ee degan magaalada Rotterdam iyo hareeraheeda, isla markaana marka loo eego tiradooda iyo fursadaha ay luminayaan aaney is laheyn. “Marka la fiiriyo kumanaanka kun ee Soomaalida ah ee degan Rotterdam iyo hareeraheeda iyo sida ay Soomaalidu ay gaabiska ugu tahay in ay ka soo dhexmuuqdaan siyaasadda waa wax aad u kala duwan” ayuu yirii Naurdin wuxuuna u mahadceliyey Eng. Guuleed oo ka mid ah xubnihii kulankaasi soo agaasimay, kana mid ah Soomaalida tira yar ee wadankan wax ku baratay.

Eng. Guuleed muddo oo ah khabiir muddo ka badan 15 la soo shaqeynayey xisbiga PVDA oo ka mid ahaa dadkii kulankaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay xubnaha ururada Soomaalida ah ee ku midoobay dallada in ay wado sax ah u jeexaan Soomaalida kale, ee ama horay dalladaha u dhistay, ama ku haminaya mustaqbalka in ay dhistaan.

“Soomaalideena waa inaan iska deynaa kala qeybsanaanta iyo is-xaasidka, oo qolo kasta haddii uu  farqi ku kala dhex-jiro ay  farqigooda ku xaliyaan wadahadal iyo is-qancin” ayuu yiri Eng. Guuleed, wuxuuna u soo jeediyey Soomaalida in ay ku dedaalaan in ay wax bartaan.

Hooyo Caaísha oo ka mid aheyd hooyooyinkii kulankaasi ka hadlay, kuna hadleysay luqada Dutch-ka iyo tan Soomaaliga ayaa u sharaxday xubnihii metelayey ururada siyaasadda wadanka in Soomaalida dhinacyo badan laga dayacay, dhibaatada ugu weyn ee haysata hooyooyinka Soomaaliyeedna ay tahay inta badan ragga Soomaalida

“Ma jirto jiil cusub oo maanta Soomaaliya u soo kacaya marka laga hadlayo jiilalka qurbaha ku koray, waxaan la socdaa dhibaatada haysata ubadkeena wax ku baranaya wadankan oo tahli waayey inay gaaraan dugsiyada sare ama Jaamacadaha, dhibaatadaas waxaa inteeda badan sabab ah khilaafaadka qoysaska” ayeey tiri Hooyo Caaisho.

Hooyo Caaísho waxey kale oo ka dhawaajisay qatarta ragga Soomaaliyeed ee isticmaala maan-dooriyaha jaadka, waxeyna ka codsatay dowladda Nederland in la joojiyo jaadka. “Haddii aan nahay hooyooyinka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa oo weliba aan si kal iyo laab ah ugu codsaneynaa dowladda Nederland in ay joojiso keenista Jaadka, raggeenii iyo caruurteenii waxaa la degay jaad, oo nama caawiyaan oo ma shaqo tagaan, ilmaha iskuulka nalama geeyaan, waayo maalintiina wuu hurdaa habeenkiina wuu qayilayaa, waxaan codsaneynaa in suntaas nalaga joojiyo” ayeey tiri Hooyo Caaísho waxeyna Soomaalida gaar ahaan waxgaradka u soo jeediyey waalidiinta Soomaaliyeed in ay ka fikiraan mustaqbalka ubadkooda.

Sawirka ugu weyn ee kulankaasi ka muuqanayey ayaa ahaa ururo Soomaaliyeed oo dedaal muddo dheer soo soconayey ku soo afjaray dhismaha dalladan, iyo hooyooyin iyo dhalinyaro fursado u helay in ay si fool ka fool ah ula hadlaan madaxda qaar ka mid ah xisbiyada mucaaraadka si ay uga gudbiyaan dhibaatada haysata mujtamaca Soomaalida, dabadeedna ay xubnaha xisbiyadaasi ka socda ay codka Soomaalida gaarsiiyaan baarlamaanka wadanka, xukuumadda ama cid kasta oo wax ka qaban karta.






Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s