Golaha Wasiirada oo kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho: (Sh. M. Network)Golaha Wasiirada dowladda KMG ayaa isku raacey maanta in lala wareego maraakiibta xamuulka u wadda dekadaha ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab, islamarkaana la xanibo dekadahaasi

Kulan Maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen golaha wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya islamarkaana uu shir gudoominayay R/wasaaraha dowlada KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulanka golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn waxaa looga hadlay warbixin ku aadan howlgaladii maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ay wadeen Magaalada Muqdisho, waxaana Ra’iisul wasaaraha oo kulankaasi ka hadlay uu sheegay in ay meel wanaagsan marayaan qorshooyinka dowladda ay ku soo celineyso nabada Soomaaliya.

Sidoo kale R/wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay ururada bulshada sida Culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinayrada iyo qeybaha kale ee bulshada in ay ciidamada dowladda ku taageeraan dagaalda ay kula jiraan xarakada Al Shabaab

Hadalka R/wasaaraha kadib ayaa golaha wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya waxaa ay isku raaceen in ilaa 5 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen in caalamku ay la wareegto Maraakiibta Xamuulka u sida dekadaha Kismaayo, Baraawe, Marka iyo kuwa la midka ah oo ay tilmaameen inay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Sidoo kale golaha Wasiirada ayaa isku raacay in Masuuliyiinta sar sare ee AL Shabaab lagu daro liiska argagixisada Caalamka ee sida weyn loo baadi goobayo, iyagoo sidoo kale isku raacay in ilaa 30-ka March ee sanadkaan cafis loo fidiyo dhalinyarada ka bar bar dagaalameysa Shabaab ee isku soo dhiibeysa dowladda KMG Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirada dowladda KMG Soomaaliya oo ka duwanaa kulamadii mudooyinkii la soo dhaafay ay ku yeelanayeen Magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan dagaalo xoogan uu u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

Xigasho Shebelle

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s