Sishalis oo min 20 sano oo xarig ah ku xakuntay burcad badeed

Maxkamad sare oo kutaala Jasiirada Sishalis ayaa xukun min 20 sano ah waxaa ay ku riday 10 burcad badeed Soomaali ah oo qeyb ka ahaa 31 qof oo burcad badeed Soomaali ah oo horay ugu xirnaa xabsi kuyaala Jasiiradaasi.
Waxaa la sheegay in 10-ka burcad badeeda Soomaalida ee Maxkamadaani ay xakuntay loo heystay dambi ah weerar ay ku qaadeen maraakiib shisheeye oo ku safrayay biyaha Soomaaliya iyo badweynta kale ee India.

“Xakunkaani waxa uu fariin gaar ah u dirayaan burcad badeeda Soomaalida, burcad badeedu waxa ay noqdeen kuwa halis ah, maalmahaan falalkoodu waa ay ka dareen waxaana qatar iyo argagixiso ay ku yihiin gobolka iyo dunida inteeda kale” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha, deegaanka iyo gaadiidka ee Jasiirada Sishalis Joel Morgan mar uu qadka taleefanka ugu waramayay wakaalada Wararka ee Reuters.

Horaantii bishii la soo dhaafay ayaa dowladda KMG Soomaaliya iyo Jasiirada Sishalis waxaa ay kala saxiixdeen heshiis lagu maxkamadeynayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida kadibna sib loogu sii dirayo Soomaaliya.

Wasiirka arimaha gudaha, deegaanka iyo gaadiidka ee Jasiirada Sishalis Joel Morgan ayaa sheegay in dowladda Sishalis haatan aysan u qorsheysneyn in burcad badeeda Soomaalida ay u soo duuliso dalka Soomaaliya ilaa inta dowladda KMG ay ka diyaariso xabsiyadii loogu talagalay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s