Shariif : “gudoonka Barlamanka kama hor imaan karo go’aankeyga”

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in gudoonka barlamanka uusan xaq u lahayn in uu is hortaag ku sameeyo warqadii uu dib ugu celiyaya go’aankii waqti korarsiga ee Mudanayaasha barlamanka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaliya kula hadlay Xildhibaano badan oo katrisan barlamanka ayaa waxaa uu sheegay in gudoonka barlamanka uusan is hortaag ku samayn karin warqadii dhawaan Madaxweynaha uu u gudbiyay Xildhibaanada Barlamanka.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in gudoonka barlamanka looga baahanyahay in uu ku ekaado shir gudoonka barlamanka hase ahaatee aan arimaha barlamanka uusan faragalin karin, wuxuuna tilmaamay in Xildhibaanada barlamanka ay ka jawaabaan warqadii uu Madaxweynaha u gudbiyay oo ku aadaneyd in barlamanka ay ka fiirsadaan waqti kordhinta ay samayteen.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in qilaaf siyaasadeed laga dhex abuuro dowladda KMG oo mar xalad adag ku jirto xili uu tilmaamay in dowladda dagaalo horumar laga gaaray ay kula jirto dhinacyada dowladda dagaalka kula jira ee Xarakada Al Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili maalmo ka hor gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu sheegay in Barlamanka uusan ka noqoneyn go’aanka waqtiga uu ku korarsaday, waxaana tani ay muujineysa sida uu u sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Sheekh Shariif iyo shariif Xasan Sheekh Aadan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s