Shabaab oo madaafiic qasaare geysatay ku weeraray Madaxtooyada

Madaafiic sababtay dhaawac soo gaaray dad rayid ah ayaa Xarakada Al Shabaab waxaa ay ku weerartay agagaarka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo xaafado ka mid ah degmada X/weyne.
Dhowr madfac oo la tilmaamay in ay ka soo dhaceen fariisimo xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Xaafadaha wardhiigley iyo Howlwadaag ayaa ku dhacday galabta agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, Xarunta Madadaalada qaranka iyo guriga hooyooyinka.

Madfac ku dhacay dhabarka dambe ee xarunta Madadaalada qaranka ee Tiyaatarka ayaa waxaa ku dhaawacmay sedax qof oo rayid ah, kuwaasi oo dhaawacooda loo qaaday isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho sida Shabelle ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inata badan Madaafiic dhinacyada dagaalamaya ay isku weydaarsadaan magaalada Muqdisho ayaa qasaaraha ugu badan waxaa uu ka soo gaara dadka rayidka ah, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid ka damqata dhibaatada soo gaaraysa maatida aan waxba galabsan ee maalin kasta lagu leynayo Muqdisho.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment