Burcad badeeda oo gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay Gariiga

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay dalka Gariiga kaasi oo ka dulbabanayay calanka Jasiiradda Paanama.
Afhayeenka u hadlay ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu cadeeyay in aroornimadii saakay ay kooxha burcad badeeda Soomaalida qafaasheen Marakab laga leeyahay dalka Gariiga kaasi oo marayay Woqooyi bari xeebta Salalaha ee dalka Yemen.

Markabkan ayaa la sheegay in uu kasoo shareecday dekadda Quasim ee dalka Pakistan kaasi oo la tilmaamay in uu kusii jeeday dekadda Saleef ee dalka Yemen kaasi oo ay kooxha burcad badeeda weerar xoogan kadib u suura gashay inay gacanta ku dhigaan.

Markabkaan ayaa la tilmaamay inay saarnaayeen shaqaale gaaraya 23- kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Romania, Russia iyo Philippine, waxaana kooxha burcad badeeda ay ula soo dhaqaaqeen xeebaha Soomaaliya oo ay ku leeyihiin burcad badeeda fariisimo xoogan.

Badwaynta Inida ayaa waxaa ku sugan Maraakiib dagaal oo aad u faraban kuwaasi oo ka kala socda wadamo badan oo ka tirsan Caalamka islamarkaana la sheegay inay ka hortagaayaan weerarada xoogan ay burcad badeeda ku qaadaan Maraakiibta isticmaasha gacan biyoodka Cadmeed iyo meelaha ka baxsan hase ahaatee aan muuqan ilaa iyo iminka talaabo ay ka qaadeen burcad badeeda Soomaalida.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s