Shabaab: “Somalida ku nool Kenya ha’udiyaar garoobaan dagaal”

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa dowladda Kenya ku eedeeysay inay ku lug leedahay dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhib waliba oo ka dhaca gudaha Kenya ay Mas’uuliyadooda qaadayaan Mas’uuliyiinta dowladda Kenya.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali dheere) oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu ku eedeeyay dowladda Kenya inay ku lug leedahay dagaalada ka soconaya gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo iyo gobolada Jubooyinka.

Sheekh Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay qeyb wayn ka ciyaarayso tababarka ciidamada dowladda iyo soo abaabulidda dagalada ku wajahan gobolada ay Shabaab ka taliyaaan oo ku dhow dalka Kenya.

Afhayeenka Xarakada Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka Soomaalida ee ku nool dalka Kenya ay u diyaar garoobaan dagaalo ay la galaan dowladda Kenya oo uu ku eedeeyay inay luguha kala bixi waysay hurinta dagaalada ka socda Soomaaliya sida uu hadlka u dhigay.

Ugu dambeyn ayaa Afhayeenka Shabaab waxaa uu sheegay in wixii ka dhaca dalka Kenya Mas’uuliyadooda ay qaadayaan Mas’uuliyiinta dalka Kenya kuwaasi oo uu sheegay inay kala bixi waayeen faraha arimaha Soomaaliya, isagoo shaaca ka qaaday in dagaalada hadda ka socda Baladxaawo iyo xiisadaha ka jira ay dowladda Kenya kaalin muuqata ka ciyaartay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s