Madaxweyne shariif oo booqday jiidda hore ee dagaalka Degmada Dayniile, SAWIRRO

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa barqanimadii maanta booqasho ku tagey  jiiidda hore ee dagaalka iyo qeybo ka tirsan degmooyinka Dayniile iyo Hodan oo ay dhawaan gacanta kooxda Shabaab ka fara maroojiyeen ciidamada dowladda Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn aagga hore salaan sharaf uga qaatay cuatubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha  ayaa intaa kaddib kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan aaga hore iyo kuwa AMISOM oo ay kala horkacayeen abaanduulaha ciidanka  xoogga dalka general C/kariin Yuuusf Dhega Badan  iyo Taliyaha ciidamada Amisom General Nathan Mugisha.

Waxa uuna madaxweyne Sheikh Shariif hadal u jeediyay kumanaan ka tirsan ciidamada dowlada ee ku jira furinta hore iyo saraakiishooda oo uu uga mahad celiyay  guulaha isdabajoogga ah ee ay ka gaarayaan dagaallada  iyo sida ay ugu howlan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweyne Shariif  ayaa ciidamada uu la hadlay u sheegay in muhiimad gaar ah la siiyay askarta islamarkaana ay joogto u helayaan xuquuqdooda  waxa uuna kula dardaarmay inay si wanaagsan ula dhaqmaan dhalinyarada isu dhiibaya ciidamada ee ka soo goosanaya kooxda Shabaab.

Sidoo kale abaanduulaha ciidamada xoogga general C/kariim Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa isna madaxweynaha hortiisa ka balan qaaday inay sii wadayaan howsha qaran ee loo igmaday islamarkaana ay saacadaha soo socda ay guulo wax ku ool ah ciidamadu soo hoyn doonaan.

Ciidamada dowlada ee uu maanta madaxaweyne Shariif ku booqday Furimaha degmooyinka Dayniile iyo Hodan ayaa xiliyada ay ku sii jeedan dhufeysyada iyo marka ay ku jiraanba waxaa halkudhig u ahaa Takbiir iyo waliba erayo ka mid ah suugaanta Dagaal gelinta iyo waddaniga ee dalkeena.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s