Midowga Afrika iyo AMSIOM oo kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ku qabanaya dalka Gaana

Ururka Midowga Afrika iyo AMISOM ayaa kulan lagu taageerayo shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee lagu qabtay dalka Jabuuti ku qabanaya dalka Gaana Isniinta soo socota, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay dhinacyadan si wadajir ah u soo saareen.

Warsaxaafadeedkan oo lasoo saaray Jimcihii shalay ayaa lagu sheegay in shirka ay ka qaybgeli doonaan xubno ka socda baarlamaanka dalalka Afrika iyo xubno ka socda baarlamaanka dalka Soomaaliya.

“Ujeeddada shirkan loo qabanayo waa sidii uu ururka Midowga Afrika u taageeri lahaa shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti lagu qabtay,” ayaa warsaxaafadeedka lagu yiri, iyadoo la sheegay in shirka uu furi doono madaxweynaha dalka Gaana John Atta Mills.

Sidoo kale, shirka waxaa khudbad ka jeedin doona madaxweynihii hore ee dalka Gaana Jerry John Rawlings oo haatan ah ergayga gaarka ah ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya.

“Waxaa howlgallada AMISOM ka mid ah inay taageerto hay’adaha dowladda KMG ah iyo inay abuuraan jawi lagu wadahadli karo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka looga hadlay qabashada shirkan.

Sidoo kale waxaa howlgalka AMSIOM qayb ka ah sida warsaxaafadeedka lagu yiri inay fududeyso qaabkii gargaarka bani’aadamnimo lagu gaarsiin lahaa goobaha ay ku sugan yihiin dadka u baahan looguna qaybin lahaa iyo sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Ururka Midowga Afrika ayaa maamula howlgalka AMISOM, kaasoo ahaa mid nabad ilaalin ku billowday balse haatan ciidamadan qayb ka yihiin dagaalada ka socda Muqdsiho, iyagoo garab siinaya dowladda Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s