Duqii Gaalkacyo ee Puntland oo is casilay kana dhoofay Magaaladaasi

C/raxmaan Xaaji Max’uud Xasan oo ahaa duqii Maamulka Puntland ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hadlayay degmada Gaalkacyo.

Warqad qoraal ah oo uu ku reebay xafiiska C/raxmaan Xaaji Max’uud Xasan ayuu ku sheegay in sababo u gaar ah darteed uu isku casilay, waxaana uu maanta barqadii isaga dhoofay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug isagoo u duulay dalka Ethiopia.

Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo farxaan Max’ed ayaa Shabelle u xaqiijiyay iscasilaada duqii magaalada Gaalkacyo, isagoo intaasi ku daray in todobaadyada soo aadan uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu faah faahin doono sababta uu isku casilay.

Iscasilaada duqii degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland C/raxmaan Xaaji Max’uud Xasan ayaa ku soo beegmeysa xili todobaadyadii la soo dhaafay masuuliyiinta degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland ay iska casilayeen xilalka ay ka hayeen degmadaasi waxaana ugu dambeeyay dadka is casilay gudoomiyihii hore ee Maxkamada darajada koowaad ee Magaalada Gaalkacyo.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s