Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ka hadashay dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ku haysta dalka Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ka hadashay xaaladda qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya oo ay ka socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo madaxweyaha dalkaas, kuwaasoo sababay in dhowr qof oo Soomaali ah la dilo kuwo kalena lagu dhaawaco.

“Boqolaalka Soomaalida ah ee ku nool dalka Liibiya qayb kama ah khilaafka taagan, waxaana dowladda iyo shacabka dalkaas ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan ammaanka iyo nabadgalyada dadka Soomaaliyeed ee martida u ah,” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay maanta wasaaradda wafaafinta DKMG ah ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkan ayay dowladdu ku sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee Liibiya ku nool inay maciin-bideen walaalahood reer Liibiya markii ay dagaalladu dalkooda ka qarxeen, ayna ku sugnaayeen dalkaas intii aysan billaaban mudaaharaadyada weligoodna si nabad ah ay kula noolaayeen shacabka Liibiya.

Mudaaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Liibiya ayaa sababay in la dilo dhowr qof oo Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood la toogtay halka kuwo kalena lagu dilay tooreeyo iyo budad, iyadoo sidoo kalena dhaawacyo halis ah la gaarsiiyay dhallinyaro Soomaaliyeed.

“Waxaan weydiisanaynaa hay’adda UNHCR iyo beesha caalamka in muwaadin kasta oo Soomaali ah ee doonaya inuu ka baxo Liibiya gacan laga siiyo sidii uu uga bixi lahaa iyadoo lala kaashanayo saafaradda Soomaaliya ee Tripoli iyo jaaliyadda Soomaaliyeed labadaba,” ayay dowladda Soomaaliya ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

Hadalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Soomaalida ku nool dalka Liibiya ay cabsi awgeed intooda badan ugu jiraan guryaha ay ka daggan yihiin dalkaas, sidoo kalena ay dalalka caalamku kala baxeen muwaadiniintooda dalka Liibiya

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s