Dagaalkii ka bilawday Balad Xaawo oo soo Gaaray Dalka Kenya

Dagaalkan oo daba jooga dagaal Ciidan taageera DKMG iyo Ahlusunna Wal Jamaaca ay kula galeen Beledxaawo  Alshabaab laba maalmood ka hor, ayaa saaka mar kale dib uga qarxay duleedka Beledxaawo.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalka, laakin dad jooga Mandheera iyo Beled xaawo ayaa Caalami.com u sheegay in labada magaalaba ay gubanayaan.  Magaalada Mandheera ayey wararku sheegayaan in laga arkayo uuro ka dhalatay madfac loo malaynayo in laga soo tuuray Suufka oo loo waday Beledxaawo, hase yeeshee ku dhacay dhinaca xiga xudduudda Soomaaliya ee Mandheera.

Goobo iyagana ku yaalla waqooyiga Beledxaawo, dhinaca xiga degmada Dooloow ayaa la soo sheegay inay gubanayaan.  Dhinacyada iska soo hor jeeda ayaa aroorti hore ee saaka dagaalka u adeegsaday madaafiic, inkastoo barqannimadii ay aad u soo badatay rasaasta yaryar ee lagu dagaallamayo, taasoo muujinaysa in masaafadii hore ee ay isu jireen labada dhinac ay isaga soo dhowaadeen.  Waxaa adag in la ogaado xaaladda dhabta ah, iyadoo Degmada Beledxaawo ay badi dadkii ku noolaa ka qaxeen, iyo iyadoo ay ku adag tahay dadka magaalada ku haray inay guryaha dibadda uga baxaan.

wararka ayaa intaasi waxay Kudarayaan Inay Dagaalkani ku jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka dagaalamaya Dhanka Suufka.

Xigasho Caalami.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s