Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaallo iyo duqeymo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaallo maalintii labaad ku dhexmaraya Muqdisho ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab, waxaana dagaalka maanta ku dhaawacmay 10-qof oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayay waxaa haleelay rasaasta ay dhinacyadu isku-dhaafsanayaan iyo madaafiic ugu tagtay goobo ka fog halka ay dagaalladu ka socdaan kuwaasoo ay ka mid yihiin deegaanka Gubta ee degmada Dayniile iyo garoonka kubadda cagta ee Muqdisho oo madaafiic badan lagu garaacay.

Agagaarka wasaaraddii gaashaandhigga ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo ay isaga horyimaadeen xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo kuwa AMISOM inkastoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa laga tuurayaan hub culus oo uu ku jiro qoriga PM-ka loo yaqaan, kuwaasoo ku dhacaya degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo ku jira gudaha wasaaraddii hore ee gaashaandhigga ayaa difaacanaya xaruntaas, halka ay xoogagga Xarrakatul Shabaab doonayaa inay dib u qabsadaan, waana goobta ay sida aad ah labadan dhinac ugu hardamayaan.

Dagaalladan oo maalintii labaad galay ayaa maanta u muuqda kuwo si aad ah uga qabow sidii ay shalay ku billowdeen, waxayna saameyn xooggan ku yeesheen guud ahaan ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah midka ugu weyn uguna mashquulka badan Muqdisho.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s