Munaasabad lagu balaarinayo Dhismaha Jaaliyadda Puntland ee Dalka Telyaaniga ayaa ka dhacday Magaalada Florence ee Italy(Sawiro )

Munaasabadan oo ka dhacday Magaalada Florence ee Gobolka Toscana ayaa waxa ka soo qaybagalay qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Puntland ee ku dhaqan Dalka Telyaaniga iyo soomlida kale, waxyna ahayd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan.

Munaasabadan ayaay u jeedadeedu ahayd sidii loo baraarin lahaa ama loo dhameystiri lahaa dhismaha Jaaiyada Puntland gaar ahaan xubnaha iyo gudiyadda Jaaliyada, iyadoo halkaasi looga dhawaaqay Gudoomiyaha Jaaliyadda iyo Gudoomiye kuxigeenada.

Aaayado quraan ah oo Munaasabada lagu furay kadib waxa biloowday hadalo iyo kuhdbado kala duwan oo aad u qiimo badna kuwasoo halkaas ay ka soo jeediyeen marti sharaftii Munaasabada kasoo qaybgalay, soomaalidii aflada ka soo qaybgalay ka sokow waxa munaasabada goob joog ka ahaa saaxiibo telyaani ah kuwasoo mar kasta u taagnaa gacan siinta dadka soomaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Puntland ee ku dhaqan Dalka Telyaaniga.

Dadkii Munasabada ka hadlay waxa ka mid ahaa Isim Dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Degaanada Puntland kasoo lagu Maacaabo Suldaan Idiris Suldaan Makiinad dooxajoog, suldaanka ayaa halkaasi ka soo jeediyay khudbad nta badan ka hadleysay baahida keentay dhismaha jaaliyadda Puntlan ee Italy iyo sida loogu baahanyahay Midnimo iyo isku duubni meel kasta oo la joogo.

Suldaan Idiris Makiinad waxa uu sidoo kale ka hadlay xaalada Dalka Gaar ahaan Puntaland iyo dhibaatooyinka ka taagan guud ahaan Soomaliya sida abaaraha iyo colaadaha ka jira koonfurta soomaliya, suldaanka ayaa si weyn usoo dhoweeyay dhismaha jaaliyada iyo xubnaha loo doortay inay hogaamiyaan.

Munaasabadan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahayeen Sheekh Cabdiqani oo ah sheekh si weyn looga yaqaan Gobolada dalka telyaaniga, waxa kale oo ka mid ahaa akhyaartii hadalada wanaagsan ka soo jeediyay Siciid yare,Nuur Cade, Mukhtaar Cabdulahaahi kuwasoo dhamaantoodba si weyn usoo dhoweeyay dhismaha Jaaliyadda Puntland ee Italy.

Cabdirashiid Daahir Dhegaweyne oo ah aqoonyahan dalkan ku nolaa mudo badan ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasabadan , isaga oo ka warbixiyay marxaladaha ay soo mareen soomalida ku dhaqan dalkan telyaaniga gaar ahaan Gobolka Toscana, Mudane Cabdirashiid ayaa muujiyay baahida loo qabo in la sameeyo ururo bulsho oo guud ahaan umadda soomaliyeed ku mideysan yihiin gaar ahaana waxa uu talaabo wanaagsan ku tilmaamay mida ay sameyeen jaaliyadda Puntalnd tasoo uu sheegay inay mudan tahay ku dayasho wanaagsan.

Mr.Fausto oo ku hadlayay magaca saaxibadii telyaaniga ee ka soo qaybgalay Munaasabadan ayaa si weyn usoo dhoweeyay dhismaha Jaaliyaddan ay ku mideysan yihiin qurbajoogta Puntland ee Telyaaniga ku dhaqan, isaga oo balan qaaday inay la shaqeynayaan mar kasta oo ay gacan uga bahdaan.

Munaasabadan ayaa waa lagaga dhawaaqay Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland iyo kuxigeenkiisa, waxana xilalkaasi loo kala doortay Cawaale Jaamac Salaad oo loo doortay Gudoomiyaha Jaaliyadda  iyo Hibo Cabdulaahi oo loo doortay gudoomiye kuxigeen.

Gudoomiye kuxigeenka Jaaliyadda Puntland ee Italy Marwo Hibo Cabdulaahi oo Munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhoweynayso xilkan loo doortay waxay kaloo sheegtay inay si hufan oo daacadnimo ah uga shaqeynayso midnamada iyo isukenida qurba joogta reer Puntland ee Italy.

Cawaale Jaamac Salaad oo loo doortay Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka telyaaniga islamarkaasna hore hayn jiray xilkan oo munaasabada ka hadlay ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo ku saabsan muhiimada ay leedahay in la sameeyo ururo bulsho ama jaaliyaddo , gudoomiyaha aya balan qaday inay u gudan doonaan xilkooda si wanaagsan.

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntaland ayaa sidoo kale ug baaqay soomaalida kale inay muujiyaan isku duubno oo la helo hal cod oo dhaman ka dhexeeya umadda soomaliyeed ee ku dhaqan dalka telyaaniga.

Munaasabadn intii ay socotay waxa lagu soo bandhigay oo lagu daawaday muuqaalo ka hadlaya Horumarka iyo Nabada ka jirta Gobolada Puntland, sidoo kale waxa halkaasi lagu soo bandhigay film ama muuqaalo ka hadlayay abaaraha ka jira dalka soomaaliya kasoo murugo iyo naxdin geliyay dareenka dadkii ka soo qaybgalay Munaasabada.

Gabagabadii Munaasabada waxa ku soo idlaatay jawi aad u wanaagsan, waxana lagu balamay waxqabad iyo midnimo dhemarta qurbajoogta Puntland.

Axmed Maxamed

Florence-Italy

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s