Madaxweynaha Soomaaliya oo tababar u furay ciidammo ka tirsan DFKMG ah kuna boorriyay inay dalka difaacaan

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sheekh Axmed ayaa Isniintii shalay tababar uga furay xero ku taalla Jasiira ciidamo gaaraya 1,000-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, kuwaasoo horay tababarro ugu soo qaatay qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika.

Sheekh Shariif oo hadal u jeediyay ciidamadaas ayaa ku boorriyay inay dhexda u xirtaan sidii ay dalka, dadka iyo diinta uga difaaci lahaayeen Al-Qaacida iyo kooxo uu sheegay inay wataan.

“Waxa la idiin soo tababaray ma ahan sheeko iyo inaad halkan fadhidaan, waa inaad dalka difaacdaan oo aad qayb ka qaataan dadaallada lagu doonayo in 20-sano kaddib dalkaan dhibaatada uu ka baxo,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo la hadlayay ciidamada.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladu ay dagaal kula jirto Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inaysan doonayn dowlad iyo nabad ka dhalata dalka, isagoo ku eedeeyay inay dagaallada ka socda dalka u garabsanayso ururka Al-Qaacida, ayna tahay in laga hortago qorshayaashooda.

“Qof walba oo Soomaali ah waxaa saaran waajib ah inuu dalka, dadka iyo diinta difaaco, runtiina qof walba oo howsha lagu samatabixinayo dalkan qayb ka qaata wuxuu geli doonaan taariikhda,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in shacabka ku dhibaateysan gobollada uu gaari waayay gargaarka bani’aadamnimo taasna ay mas’uul ka tahay Xarrakatul Shabaab isagoo xusay in loo baahan yahay in dowladdu ay dadka gobolladaas ku nool ka dul-qaaddo culeyska saaran.

Gabagabadii khudbaddiisa ayuu ku sheegay Sheekh Shariif inaysan shaki uga jirin in shacabka Soomaaliyeed ay taageersan yihiin dowladda, ayna sugayaan in laga dul-qaado culeysyada saaran.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s