Banaanbax looga soo horjeedo colaadaha ka taagan deegaanka Kalshaale oo ka dhacay degmada Badhan

Banaanbax looga soo horjeedo maamulka Somaliland ayaa ka dhacay degmada Badhan ,waxaana ka qayb galay boqolaal kamid ah shacabka degmadaasi.

“Aad ayaan uga soo horjeednaa arinta Kalshaale oo maamulka Siilaanyo uu  dhibaato ka gaystay “ayey tiri Xaliimo oo ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadashay.

Dadka dibad baxa dhigay ayaa la sheegay in ay waten boorar ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin dagaalladii ka dhacay Kalshaale iyo Hagoogane ,kuwaasi oo khasaarooyin kala duwan sababay.

“Waxaan ka soo horjeednaa in dad masaakiin ah loo dhibaateeyo arimo siyaasadeed “ayuu yiri Jaamac oo isna ka qayb galay dibadbaxii  lana hadlay idaacadaha gobolka.

Duqa degmada Badhan ayaa maalmo ka hor warbaahinta u sheegay in maamulka madaxwayne Siilaanyo uu danbiyo dagaal  gaystay ayna ka soo horjeedaan in dagaallada ay sii socdaan.

“Dadka gobolka Haylaan marna raali kama ahan in dagaal uu sii socdo,waxaana aan kuu baaqaynaa in Somaliland ay gobolka isaga baxdo “ayuu yir isaga oo ku sugan degmadaasi.

Wararka laga helayo meelo ka mid ah gobolka Haylaan ee Puntland ayaa sheegaya in ay socdaan qorshayaal lagu dhigayo dibaxyo hor leh oo looga soo horjeedo arimaha Kalshaale,waxaana goobaha looga diyaar-garoobayo ka mid ah Hadaaftimo iyo Xingalool.

Ugu danbayntii dibad-baxyda looga soo horjeedo colaadaha Kalshaale ayaa ahaa kuwa ku soo kordhayay deegaanada Puntland ,waxaana maamulka madaxwayne Faroole lagu eedanayaa in uu shaqo badan dayacay

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s