Bulshada degmada Baargaal oo Isku Raacay in wax laga qabto Burcadbadeeda

Shir maalmihi lasoo dhaafay ay degmada Baargaal ee ka tirsan gobolka Bari ku qaateen Odeyaal,Ganacsato,dhalinyaro iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa la isku raacay in wax laga qabto Burcadbadeeda.

Odeyaasha iyo qaybaha kale ee shirka qaatay ayaa falanqeeyey sidii looga sifeyn lahaa degmada kooxaha Burcadbadeeda oo dhibaatooyin kala duwan halkaas ku haya iyadoo marar badan ay lasoo aadeen maraakiib ay soo afduubteen.

Shirka ayaa gaba gabadiiisa laga soo saarey qodobo ay isku raaceen iyadoo sidoo kale la isku afgartay in laga shaqeeyo nabadgalyada lagana hortago falalka amaan darrada.

Qodobada shirka kasoo baxay waxaa kamid ahaa;

  • Burcadbadeeda in aanay ka howlgelin magaalada,maraakiibta ay ku haysteen xeebaha degmada ay ka dhaqaajiyaan
  • In aan wax hub ah lala dhexmari karin magaalada xabadna laga dhex ridi karin
  • Waa in aan la qaban shirar aanay ogeyn gudigu cidii talo ama ra’yi fiican haysaana ay ku biirisa gudiga si loo ilaaliyo wadajirka iyo is ixtiraamka
  • Waa in magaalada la keeni karin khamri laguna dhex cabin

Dadweynaha Baargaal ee kulanka qaatay ayaa sidoo kale sheegay ciddi jebisa qodobadaas laga qaadi doono talaabo ku haboon,iyadoo la magacaabay guddi ka shaqeyn doona qodobadaas oo isugu jira Odeyaal,Ganacsato iyo Aqoonyahano.

Kooxaha Burcadbadeeda ayaa dhibaatooyin kala duwan ka geystay degmada Baargaal ee gobolka Bari.

 

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s