Faah Faahi Banaanbixii Faroole lagu diidanaa ee Gaalkacayo

GalGalanews ayaa Xalay faafisay War dheer oo sheegaya in Deegaanada Puntland ay ku soo Foole Leeyihiin Banaanbaxyo  La mid ah Kuwii Masar iyo Tuunsiya lagu Tuuray  Hogankoodii Saaka Aroortii ayaa Reer Mudug u dareereen Banaanbax Nabadeed oo ay ku diidanyihiin Xukuumada aan Soo Dhaafin Garoowe ee uu Gar wadeenka ka yahay C/raxmaan Faroole Banaan Baxaasi waxa soo Abaabulay Koox lagu Tilmaamay Isbedeldoonka Mudug oo ay ku Jiraan Dhalinyaro Maskax Furun Siyaasiyiin Caan ah iyo Aqoonyahanka deegaanka, Inta  badan dadka ayaa Socod ku Maray Jidadka waa wayn ee Gaalkacayo kuwaasi oo sitay Boodhadh ay ku Qoran tahay Waxaanu Rabnaa“Nabad Waxaanu Rabnaa Nolol Isbedel Wanaagsan Leh.

Bashiir Cali Biixi oo ka mid ahaa Wasiiradii dhawaan Faroole xilka ka qaaday  ayaa Halkaasi Khudbad dheer ka Jeediyay isaga oo Reer Mudug ugu baaqay inay Nabada ilaaliyaan isla markaana xaq dhowraan Daris Wanaaga Aadka loogu Yaqaanay Umada deegaankaasi.

Dr Bashiir Cali Biixi wuxuu ahaa Wasiirkii Caafimaadka Puntland ayaa  Si Ba’an u dhaliilay Xukuumada Faroole oo ku Tilmaamay mid Socod Barad ah wali oo aan u war ahayn Umadii Dooratay ee ay Codkooda iyo Kalsoonidooda Meesha ku Joogaan.

Waxa uu aad uga hadlay Amaan xumida Gaalkcayo, Hashiiskii Cabdi Qaybdiid iyo Kooxdii Galmudug ay la Galeen Puntland oo ku Tilmaamay mid ah Khayaamo Qaran oo la Marin haabaabiyay.

Dadkaasi halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Nabadoono caan ah ka Mudug kuwaasi oo Amaankooda ay u Baqayaan Awgiis  Hubka Fudud Sitay Markii Banaan baxo Socday.

Cali Maraykan oo ka mid ah Xubnaha  Ururka SSC ayaa Halkaasi ka dhex Muuqday isaga oo Bogaadiyay Banaanbaxaasi ay Muujiyeen Reer  Mudug uguna baaqay inay is Garab tagaan Walaalahooda SSC ee dagaalka Kula Jira Somaliland.

Sida aanu warka ku helayno Maalinta Bari ah ayaa la qabanayaa Mudaharaad balaadhan oo aad looga soo qayb Galo kaasi oo Lagu Dhaliilayo Xukuumada Faroole.

C/raxmana Faroole ayaan Garoowe oo ah Gurigiisii meela u dhaafin marka laga Reebo  Hal Maalin uu Joogay Gaalkacayo tan iyo Markii la Doortay xiligaasi ayaa ahayd Maalintii la dilay Alle Naxariistii ha geeyee Wasiirkii Warfaafinta Seefta Banaanka.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s