Afhayeenka guud ee ururka dhalinyarada ee magaciisu yahay(CYU)casayrland youth union oo taageeray shirka ka dhacaaya degmada baargaal

Ururka dhaliyarada  casayrland youth union ayaa si buuxda usheegay inay taageerayaan oo ay soo dhaweynayaa shirka degmada baargaal  ka dhacaya 28/2/2011 afhayeenka  guud ee ururka Dhalinyarada casayrland youth union  Eng Abdalla Mohamed Mohamuud  oo ka hadlayey shirka beesha  Siwaaqroon ee  ay isugu imaanayaan dhawaan in uu yahey mid aad muhiim u’ah ayna jecelyiciin inuu noqdo mid wax kabadala afkaaraha qaldan iyo tala xumada heysata deegaanada beeshu ay degto oo aan laheyn wax hurumar ah sidaa darteedna loo baahan yahey in uu wax kabadalo marxaladaha curyaamiyey deegaanada beesha.

waxaa sidoo kale uu baaq ujeediyey guud ahaan dhalinyarada beesha ee kusugan gudaha iyo dibada inay siiyaan taageero niyad ah maadaama ay yihiin jiilka loo baahan yahey in ay wax ukordhiyaan deegaanadooda iyo dadkooda muda dheer ahaa kuwo aan wax horumar la taaban karo aan gaarin

dhinaca kale waxaa uu ugu baaqey gudiga qaban qaabada shirka degmada baargaal  in ay ka feejignaadaan wax kasta oo curyaamin kara horukaca shirka iyo dadaalkooda ay mudada kusoo taamayeen isagoo talo ahaana usoo jeeediyay in ay xariir la sameeyaan guud ahaan deegaanada looga hadlayo shirkaasi afhayeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyey dhamaan intii isku xilqaantay qabanqaabada shirka

Allcaseyr.net

Eng Abdalla Mohamed Mohamuud


Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s