Wasiir ku xigeenka Waasaradda howlaha guud ee xukuumadda KMG Soomaaliya oo maanta lagu xiray Hargeysa

Taliyaha ciidammada booliiska Somaliland Cilmi Rooble Furre ayaa u sheegay idaacadda VOA-da in maanta lagu xiray magaalada Hargeysa wasiir ku xigeenka wasaaradda howlgaha guud iyo dib u dhiska XKMG ah ee Soomaaliya C/rashiid Cali Maxamed (Riyo-raac).

Furre ayaa sheegay in wasiir ku xigeenka la qabtay kaddib markii saakay 9:00 aroornimo lagu arkay isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha Hargeysa, isagoo xusay in ciidanka booliiska ay xabsiga u taxaabeen.

“Halkan sharci ayaa ka yaalla xubnaha DKMG ah ee Soomaaliya, umana hayno cafis,” ayuu yiri taiyaha ciidanka Booliiska oo sharraxaad ka bixinayay sababta lagu xiray wasiir ku xigeenka ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Waa mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo lagu xiro magaalada Hargeysa oo xarun u ah maamulka Somaliland oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, iyadoo taliyuhu uusan sheegin saldhigga uu rasmi ahaan ugu xiran ahay wasiir ku xigeenka.

Mudane C/rashiid ayaa kasoo jeeda maamulka Somaliland, waxaana horay uu maamulkaas u xirxiray xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in laga soo qabqabtay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland xilli ay la joogeen qoysaskooda.

Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin xariga wasiir ku xigeenka, iyadoo weli aysan Somaliland wax aqoonsi ah ka helin caalamka haddana dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan inay weli qayb ka tahay Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s